Kulanka xiisaha badan ee Derby d’Italia ayaa go’aamin doona masiirka Supercoppa Italiana sanadkan, iyadoo Inter Milan iyo Juventus ay ku wada ciyaari doonaan San Siro.

Ciyaartii 34-aad ee u dhaxeysay kooxda heysata horyaalka Seria A iyo kooxda ku guuleysatay Coppa Italia ayaa sidoo kale isku arkaya labada naadi ee ugu guulaha badan Calcio.

Wararka labada koox

Dhaawac halis ah oo soo gaadhay xiddiga garabka ka ciyaara ee Federico Chiesa Axadii ayaa saameyn ku yeelatay rajadii Juventus iyo Xulka Italy, kuwaas oo dhawaan ciyaaridoona ciyaar aad u muhiim ah oo ka tirsan koobka adduunka kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay ACL inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Bianconeri ayaa sidoo kale waxaa ka maqnaan doona Juan Cuadrado iyo Matthijs de Ligt oo ganaaxan , halka Leonardo Bonucci iyo Danilo ay labaduba dhaawacyo ku maqan yihiin Chiesa.

Kabtanka rugcadaaga ah ee Giorgio Chiellini ayaa diyaar u noqon kara inuu kusoo bilowdo, isagoo bedel uga soo muuqday Olimpico ka dib markii uu ka soo laabtay caabuqa COVID-19.

Juve ayaa dhawaan soo ciyaartay afar daafac oo dib u habeyn lagu sameeyay maqnaanshiyahaan oo kale, Max Allegri ayaana laga yaabaa inuu doorto inuu daafaca dambeedka sii ahaado Daniele Rugani si uu u wajaho Inter. Waxa uu ku soo bilaabi lahaa Mattia Perin, kaas oo bedelaya Wojciech Szczesny goolka sababtoo ah heerka tallaalka uu qaatay.

Dhanka kale Simone Inzaghi, ayaa heysta koox buuxda oo uu ka soo xusho, ka dib markii gooldhaliyaha guud Edin Dzeko uu ku soo laabtay garoomada isbuucaan ka dib markii uu karantiil ku maqnaa.

Sidaa darteed, weeraryahanka Bosnia waa inuu kasoo muuqdaa bilowgii, isagoo weerarka kula biiraya saaxiibkiisa joogtada ah ee Lautaro Martinez . Joaquin Correa iyo Alexis Sanchez ayaa bixiya doorashooyin dheeraad ah haddii loo baahdo.

Ganaax ayaa keentay in Hakan Calhanoglu uu seego guushii ay ka gaareen Lazio, laakiin soo laabashadiisa ayaa suurtagelin doonta in ay bedelaan seddexda khadka dhexe ee ay doorbideyso Inter. Roberto Gagliardini ayay u badan tahay in kursiga keydka loo dhigi doono si uu u dajiyo kubad sameeyaha Turkiga.

Shaxda Macquulka ee labada Koox

Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Dumfries, Barella, Brozovic, Calhanoglu, Perisic; Martinez, Dzeko

Juventus: Perrin; De Sciglio, Rugani, Chiellini, Sandro; Bentancur, Locatelli, Rabiot; Bernardeschi, Morata, Dybala.

Inter Milan Vs Juventus

Tartanka Super Cup-ka Italy

Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka San siro

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan