Kooxda Ac Milan ayaa u safreysa Empoli Kulankeeda ugu Danbeeyay ee Xiliga Fasaxa Ka dib seddex kulan oo guul la’aan ah, oo u dheertahay inter Milan oo hogaanka dheereesatay.

Rossoneri ayaa guuldarro dirqi ah ka soo gaartay kooxda ay horyaalka ku xafiiltamaan Horyaalka ee Napoli isbuucaan taasi oo dhabar jab ku aheyd.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Labada weeraryahan ee Rafael Leao iyo 40-jirka Zlatan Ibrahimovic – oo dhaawac jilibka ah soo gaaray isbuucaan – ayaa laga saaray Milan, kuwaas oo dooqyadooda kale ee cajiibka ah ay dhaawacmeen ama ay ka soo laabanayaan dhaawac.

Ante Rebic iyo Pietro Pellegri ayaa weli diyaar ah, laakiin Olivier Giroud – oo soo laabtay seddex isbuuc ka dib – ayaa la weydiisan doonaa inuu ku soo bilowdo, isagoo saameyn ku yeeshay kooxda

Halka Simon Kjaer – uu maqnaanayo inta ka dhiman xilli ciyaareedka ka dib markii lagu sameeyay qaliinka ACL – waxaa u taagan Alessio Romagnoli oo ah wadnaha daafaca kooxda martida ah, calaamadaha su’aasha ayaa weli ah boosaska daafaca.

Dhanka kale Empoli ayaa sii wada in uu ka maqnaado khadka dhexe ee Nicolas Haas kaas oo dhaawac jilibka ah ka soo gaaray horaantii Coppa Italia ee ay guusha ka gaadheen kooxda Verona.

Si kastaba ha ahaatee, Aurelio Andreazzoli ayaa heysta koox buuxda oo uu ka soo xusho, taasoo ka dhigeysa ugu yaraan afar nin oo ku tartamaya laba boos oo weerarka ah shaxdiisa 4-3-1-2.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Empoli: Vicario; Stojanovic, Romagnoli, Luperto, Parisi; Ricci, Stulac, Zurkowski; Bajrami; Pinamonti, Cutrone

AC Milan: Maignan; Florenzi, Tomori, Romagnoli, Hernandez; Tonali, Kessie; Saelemaekers, Diaz, Messias; Giroud.

Empoli Vs Ac Milan

Tartanka Serie A

Saacada (22:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)

Garoonka Stadio Carlo Castellani

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan