Tababaraha Tottenham ee Antonio Conte ayaa dib ugu laabanaya Stamford Bridge markii ugu horreysay isaga oo Tottenham hoggaaminaya, halkaas oo uu ka bilaabmi doono xafiiltan uu la geli doono kooxdiisii hore ee Blues ee uu horyaalka Premier League iyo FA Cup ku hoggaamiyey laba sannadood oo uu macallin u ahaa.

Caawa ayay Chelsea soo dhoweyn doontaa Tottenham, waxaanay isku haleeli doonaan lugta hore ee semi-finalka Carabao Cup.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Romelu Lukaku ayaa dib ugu soo laaban doona Chelsea kaddib markii uu raalligelin ka bixiyey hadalkii ay kooxdu dhibsatay, laakiin waxa aan joogin goolhaye Edouard Mendy oo ku biiray xulka  qaranka Senegal ee ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Afrika.

Waxa kale oo Chelsea ay go’aan ka gaadhi doontaa saacadaha ugu dambeeya labada ciyaartoy ee Ruben Loftus-Cheek iyo Timo Werner oo inkasta oo ay kasoo kabteen Fayraska Korona, haddan aan qaadanin tababar ku filan. Trevoh Chalobah, Reece James, Ben Chilwell iyo Andreas Christensen ayaa gebi ahaanba ka maqan ciyaartan.

Kepa Arrizabalaga ayaa beddelai doona Mendy, sidoo kalena Jorginho, Callum Hudson-Odoi iyo Saul Niguez aya iyagana la filayaa inay kasoo muuqdaan ciyaarta.

Dhinaca Tottenham, waxa ka maqan Steven Bergwijn, Cristian Romero iyo Ryan Sessegnon oo dhaawac ah, waxaase fursad heli doona Japhet Tanganga iyo Harry Winks oo soo nastay. Sidoo kale, Bryan Gil iyo Dele Alli ayaa firfircoon oo hoggaamin doona liiska  kooxda halka Harry Kane uu raadin doono fursad  uu dib ugu helo kalsoonida goolasha.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Sarr; Hudson-Odoi, Jorginho, Kovacic, Alonso; Ziyech, Pulisic; Havertz

Tottenham: Lloris; Tanganga, Sanchez, Davies; Emerson, Winks, Hojbjerg, Reguilon; Son, Kane, Gil.

Chelsea Vs Tottenham

Tartanka Carabao Cup

Saacada Saacada (22:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)

Garoonka Stamford Bridge Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan