Kooxaha reer London ee Chelsea iyo Tottenham ayaa ku ballansan ciyaar xiise gaar ah leh oo noqonaysa middii saddexaad ee saddex toddobaad gudahood ay iskaga hor yimaaddaan iyadoo labadii jeer ee hore ay ahaayeen tartanka Carabao Cup oo ay Chelsea si xarrago leh u badisay.
Chelsea ayaa hadda horyaalka kaga jirta kaalinta saddexaad, waxaanay siddeed dhibcood ka horreysaa Tottenham oo lixaad fadhida, hase yeeshee saddex kulan baaqi u yihiin.
Wararka Labada Koox
Chelsea waxa usoo laabtay Trevoh Chalobah iyo Reece James oo tababarka qaatay, laakiin midkoodna laguma soo darayo liiska ciyaarta maanta.
Ben Chilwell ayaa xilli ciyaareedka oo dhan maqnaanaya, halka Andreas Christensen uu karantiil ugu jiro Fayraska Korona isla markaana uu Edouard Mendy ku maqan yahay tartanka qaramada Afrika.
Tuchel waxa u yaalla arrimo badan oo ay tahay inuu go’aan ka gaadho marka ay noqoto dhinaca xulashada ciyaartoydiisa, gaar ahaan Malang Sarr, Timo Werner iyo Mateo Kovacic oo ahaa beddel kulankii Brighton.
Tottenham waxa usoo noqday Eric Dier oo kasoo noqday dhaawac laakiin Son Heung-Min iyo Cristian Romero ayaa wali maqaneyaal ah.
Antonio Conte ayaa qirtay in kooxdiisu ay haysato dhaawacyo cusub oo walaac ku haya, balse waxa uu diiday inuu magacaabo laacibiinta ka dhaawacmay.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Chelsea: Kepa; Sarr, Silva, Rudiger; Azpilicueta, Kante, Kovacic, Alonso; Mount, Lukaku, Werner
Tottenham: Lloris; Sanchez, Dier, Davies; Emerson, Skipp, Winks, Hojbjerg, Reguilon; Kane, Lucas
Chelsea Vs Tottenham
Tartanka Premier league
Saacada Saacada (19:30 pm Somalia) (17:30 pm Yurub)
Garoonka Stamford Bridge Stadium
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore
Source: dalkaan