Photo/ES

kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Kaalinta Saddexaad kaga jirta horyaalka ee Liverpool.

Marka laga soo tago xifaaltanka ka dhaxeeya labada Koox waxay dhanka kale ku tartamayaan kaalinta labaad ee horyaalka madama hal dhinac ay chelsea ku horeyso.

Chelsea ayaa kulankeeda ugu danbeeyay bar-baro gashay iyadoo waqtiga dhimashada gool laga dhaliyay halka Liverpool guul-daro barka loo saariyay.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wararka Labada Koox

Chelsea waxaa ka maqan labada xidig ee Reece James iyo Andreas Christensen oo ku maqan dhibaatooyin bawdada iyo dhabarka ah sida ay u kala horreeyaan barbarihii ay la galeen Brighton, halka Ben Chilwell uu hadda la xaqiijiyay inuu marayo qaliinka looga sameenayo ACL.

Thiago Silva ayaa wajahaya tijaabo caafimaad oo soo daahay halka Ruben Loftus-Cheek uu la dhibtoonayo dhibaato canqowga ah iyo Timo Werner oo qaba COVID-19 kaasi oo ku soo laaban tababarka ka hor barbaraha Brighton.

Trevoh Chalobah iyo Malang Sarr ayaa laga yaabaa inay ka soo muuqdaan kooxda Chelsea, la yaabna ma noqon doonto in la arko Kai Havertz oo kulankan ku soo bilowda gaar ahaan haddii waraysigii uu dhawaan bixiyay Romelu Lukaku uu caqabad ku noqon karo kulankan.

Dhanka Liverpool, Andy Robertson ayaa ciyaaraya kulankii seddexaad ee ugu dambeeyay ee ganaaxiisa ka dib casaankii uu qaatay kulankii Tottenham, halka Mohamed Salah , Sadio Mane iyo Naby Keita ay diyaar u yihiin ka hor Koobka Qaramada Afrika ee soo socda.

Takumi Minamino iyo Thiago Alcantara ayaa weli ku jira liiska dhaawacyada ka dib markii ay ku guuldareysteen inay kasoo kabsadaan dhaawacyada muruqa, halka Nat Phillips , Adrian , Divock Origi iyo Harvey Elliott ay sidoo kale weli maqan yihiin.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Chalobah, Rudiger; Hudson-Odoi, Jorginho, Kante, Alonso; Buur, Havertz; Lukaku

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Tsimikas; Henderson, Fabinho, Oxlade-Chamberlain; Saalax, Jota, Mane.

Chelsea Vs Liverpool

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (19:30 pm Somalia) (17:30 pm Yurub)

Garoonka Stamford Bridge Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan