Chelsea ayaa u dagaallami doonta sidii ay uga soo kaban lahayd guul-darradii usbuucii hore ay kala kulantay West Ham United, taas oo ay ku weyday hoggaanka horyaalka Premier League ee ay muddada soo haysay.

Blues ayaa garoonkeeda Stamford Bridge kusoo dhoweyn doonta Leeds United oo xilli ciyaareedku ku xun yahay, hase yeeshee waxa hoggaaminaya khabiirka reer Argentina ee Marcelo Bielsa oo mar walba khatar badan ay kooxuhu kala kulmaan, isla markaana bandhig cajiib ah ay muujiso kooxdiisu.

Thomas Tuchel ayay kooxdiisu guul-darro 3-2 ah kala soo kulantay London Stadium usbuucii hore, waxaanay ku xigsiiyeen barbarro 3-3 ah oo ay kala soo kulmeen kooxda Zenit St Petersburg oo ay Arbacadii kula soo ciyaareen waddanka Ruushka kulankii ugu dambeeyey wareegga Group-yada Champions League taas oo sababtay inay kaalinta labaad kaga dhamaystaan hormadooda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wararka Labada Koox

Chelsea waxa dhaawacyo kaga maqan saddexda ciyaartoy ee Ben Chilwell, N’Golo Kante iyo Trevoh Challobah, sidoo kalena Mateo Kovacic ayaa ku jira karantiil kaddib markii uu ku dhacay Korona Fayras.

Jorginho ayaa khadka dhexe kula soo bilaaban doona Ruben Loftus-Cheek, halka weerarkana ay Romelu Lukaku iyo Timo Werner diyaar yihiin. Antonio Rudiger iyo Thiago Silva ayaa difaaca dhexena kusoo bilaaban doona.

Leeds United waxa dhaawacyo kaga maqan Liam Cooper iyo Kalvin Phillips oo ciyaartii ay barbarraha 2-2 la galeen Brentford ay waxyeello kasoo gaadhay, sidoo kalena waxa ka maqan Rodrygo, halka Robin Koch uu xanuunsanayo, sidoo kalena uu Pascal Struijk wali la dhibaatoonayo xanuun uu ka dareemay cidhibta.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Jorginho, Saul, Alonso; Mount, Werner; Lukaku

Leeds United: Meslier; Dallas, Ayling, Llorente, Struijk, Firpo; Raphinha, Klich, Forshaw, James; Roberts

Chelsea Vs Leeds United

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (06:00 pm Somalia) (04:00 pm Yurub)

Garoonka Stamford Bridge Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan