Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku fadhiisan doonta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay kala bixi doonto Liverpool oo guul-darro xanuun badan xalay kala soo kulantay Leicester City, waxaanay saddex dhibcood u jirsan doontaa Manchester City oo hoggaanka haysa, laakiin Khamiista ciyaari doonta.

Blues ayay tahay inay ka faa’iidaysato khasaaraha soo gaadhay Liverpool taas oo ay dhaafi doonto saddex dhibcood, hase yeeshee waxay Reds haysataa hal kulan oo baaqi u ah oo ay kusoo qaban doonto.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Thomas Tuchel ayaa hore u sheegay in Thiago Silva iyo N’Golo Kante ay dhaawacyo ku maqnaan doonaan kulanka Arbacada maanta kaddib dhaawacyo kasoo gaadhay ciyaartii Aston Villa, sidaas oo kalena Ben Chilwell ayaa xilli ciyaareedka oo dhan seegaya.

Ruuben Loftus-Cheek ayaa kasoo kacay Fayraska Korona, halka Kai Havertz iyo Timo Werner uu shaki ku jiro.

Warka fiican ayaa waxa uu yahay in Mateo Kovacic uu taam yahay, kuna soo bilaaban doono ciyaartan, waxaanay taasi tamar fiican u tahay khadka dhexe.

Brighton waxa ka maqan, Jeremy Sarmiento, Lewis Dunk iyo Steven Alzate, halka uu shaki ku jiro Joel Veltman iyo Leandro Trossard, waxaase usoo laabtay Yves Bissouma oo ganaax ku maqnaa.

Laacibka reer Mali ayaa la filayaa inuu si toos ah uga mid noqdo shaxda koowaad, taas oo sababi karto in Enock Mwepu uu kaydka u dhaco, sidoo kalena uu Jakub Moder kusoo bilowdo.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; James, Jorginho, Kovacic, Alonso; Ziyech, Mount; Lukaku

Brighton & Hove Albion: Sanchez; Lamptey, Webster, Burn, Cucurella; Bissouma, Lallana, Mwepu; Mac Allister; Welbeck, Maupay.

Chelsea Vs Brighton

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (22:30 pm Somalia) (20:30 pm Yurub)

Garoonka Stamford Bridge Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan