Inter Milan ayaa isku dayi doonta in ay gaadho guusheedii lixaad oo xidhiidh ah ee Seria A marka ay halkeeda ka sii wadato Guulaheeda horyaalka kulan ay booqasho ugu tageyso Salernitana.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga ayaa haatan hogaanka u heysa horyaalka , iyadoo hal dhibic ka sareysa kooxda ku jirta kaalinta labaad ee AC Milan, halka Salernitana ay fadhiso kaalinta ugu hooseysa horyaalka, iyadoo kaliya sideed dhibcood ka heshay 17 kulan.

Wararka Labada Koox

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Salernitana ayaa weyn doontaa adeega Leonardo Capezzi , Stefan Strandberg , Cedric Gondo , Antonio Russo iyo Matteo Ruggeri kulankansababo dhaawac ah.

Tababare Colantuono ayaa isbedelada sameeyay kulankii Genoa ee Coppa Italia, iyadoo Joel Obi iyo Lassana Coulibaly ay ka mid yihiin kuwa soo laabanaya.

Dhanka Inter, Joaquin Correa , Matteo Darmian iyo Christian Eriksen ayaa weli maqan, laakiin kooxda martida ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta kulanka.

Edin Dzeko ayaa la nasiyay kulankii ugu dambeeyay ee Cagliari, iyadoo Alexis Sanchez uu ka garab ciyaaray Lautaro Martinez , kaasoo labo gool dhaliyay afar gool oo ay kaga badiyeen San Siro.

Sanchez ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay guushii cajiibka aheyd, laakiin Dzeko ayaa ku soo laabanaya kooxda, halka Ivan Perisic iyo Denzel Dumfries ay qarka u saaran yihiin inay sii wataan booska daafaca garabka ee hogaamiyaasha horyaalka.

Shaxda Macquulka ee labada koox

Salernitana: Belec; Veseli, Gyomber, Bogdan, Ranieri; Kechrida, Kastanos, Obi, Coulibaly; Ribery; Nwankwo

Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Dumfries, Barella, Brozovic, Calhanoglu, Perisic; Martinez, Dzeko

Salernitana Vs Inter Milan

Tartanka Serie A

Saacada (22:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)

Garoonka Stadio Arechi

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan