Kooxda hoggaaminaysa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa u halgami doonta inay kusoo laabato jidka guusha marka ay caawa garoonka San Mames ugu tagto Athletic Bilbao, taas oo haddii ay u suurtogasho u sahli doonta inay siddeed dhibcood  ku qabtaan hoggaanka horyaalka.

Carlo Ancelotti ayay kooxdiisu shan dhibcood  oo nadiif ah ka horreysaa Sevilla oo kaalinta labaad ku jirta, xalayna barbarro la gashay Barcelona, halka Athletic Bilbao ay fadhido booska sagaalaad ee horyaalka oo ay ku haysato 24 dhibcood oo ay ka  urursatay 18 kulan oo horyaalka ah.

Athletic Bilbao waxay guuleysatay shan mar oo kaliya, 9 jeerna bar-baro halka afar ciyaaroodna laga badiyey, sidaas ayaanay 24 dhibcood kaga heshay 18 kulan oo ay ciyaartay. In kasta oo ay ku jiraan kaalinta sagaalaad, haddana shan dhibcood oo kaliya ayay ka dambeeyaan Atletico Madrid oo afraad fadhida.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wararka Labada Koox

Athletic Bilbao waxay dib usoo dhoweyn doontaa Dani Garcia oo kasoo laabtay ganaax, hase yeeshee waxa dhaawacyo kaga maqan Aiser Villalibre, Dani Vivian, Peru Nolaskoain iyo Yuru Berchiche. Waxa kale oo uu Fayraska korona kaga dhacay Inigo Martinez iyo Unai Simon oo ka maqan.

Dani Garcia ayaa beddeli doona Mikel Vesga oo khadka dhexe ka ciyaara, halka Oscar de Marcos oo gool dhaliyey goolka guusha kulankii Real Betis isaga oo kasoo kacay kursiga kaydka uu dhinaca midig ka ciyaari doono.

Real Madrid waxa karantiil kaga jira  Rodrygo, Gareth Bale, Marco Asensio, Andriy Lunin iyo Marcelo, sidoo kalena Luka Modric oo kasoo kabtay dhaawac ayaa laga reebay liiska xiddigaha Los Blancos.

Isco ayaa isagana xilli dambe loo xaqiijiyey in Cune xanuun uu dareemayay uu sababay Korona Fayras. Dani Carvajal ayaa dhaawac ku maqan, sidoo kalena Casemiro ayaa ganaax ah kaddib markii ay u buuxsameen tirada kaadhadhka digniinta ee sababta u noqda in ciyaartoygu uu hal kulan maqnaado. David Alaba ayaa isagana shalay lagu wargeliyey inuu hayo fayraska korona.

Eduardo Camavingta iyo Federico Valverde ayaa khadka dhexe kula soo bilaaban doona Toni Kroos iyadoo Nacho uu beddalayo Alaba, sidoo kalena Lucas Vazquez uu haysanayo booska difaaca midig.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Athletic Bilbao: Agirrezabala; De Marcos, Yeray, Nunez, Balenziaga; N Williams, D Garcia, Vencedor, Muniain; R Garcia, I Williams

Real Madrid: Courtois; Nacho, Militao, Alaba, Mendy; Valverde, Camavinga, Kroos; Vazquez, Benzema, Vinicius.

Athletic Bilbao Vs Real Madrid

Tartanka La Liga Spain

Saacada Saacada (23:30 pm Somalia) (21:30 pm Yurub)

Garoonka San Mames. Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan