Kooxda AC Milan oo ku jirta kaalinta 2-aad ee Serie A ayaa doonaysa in ay la jaanqaado hogaamiyayaasha horyaalka Seria A, marka ay soo dhaweeneyso Roma

Rossoneri ayaa weli afar dhibcood ka danbeesa kooxda ay xafiiltamaan ee Inter, halka dhigooda caasimada ay kaalinta Lixaad kaga jirto Horyaalka.

Wararka Labada Kooxda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Laba toddobaad oo nasasho ayaa si weyn u caawisay Milan, maadaama ay awoodeen inay dib u soo celiyaan weeraryahannada Zlatan Ibrahimovic oo ku maqnaa Dhaawac jilibka, Rafael Leao iyo Ante Rebic (oo muruqa dh), kuwaas oo dhammaantood ku soo biiray tababarka horaantii usbuucan.

Kabtanka la magacaabay horaantii xilli ciyaareedkan, Davide Calabria ayaa sidoo kale ka soo laabtay dhaawac, waxaana uu booska daafaca midig kula tartami doonaa saaxiibkiis Alessandro Florenzi , laakiin Ismael Bennacer , Franck Kessie iyo Fode Ballo-Toure ayaa dhamaantood matalaya dalalkooda. Koobka Qaramada Afrika Kuwasi oo maqnaan doono ugu yaraan laba toddobaad.

Maqnaanshaha Bennacer iyo Kessie, Sandro Tonali waa inuu khadka dhexe kula midoobaa Tiemoue Bakayoko kaasoo isku dhejinaya shaxda Stefano Pioli ee 4-2-3-1. Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa ku dhawaaqday in ciyaaryahan kale oo aan la magacaabin uu laga helay COVID-19 oo uu ku biiri doono goolhayaha kaydka ah ee Ciprian Tatarusanu.

Roma, dhanka kale, ma aysan xaqiijin kiisaskooda hadda ee fayraska, laakiin Borja Mayoral , Chris Smalling iyo Daniel Fuzato ayaa la rumeysan yahay inay yihiin seddexda xidig ee cudurka qaba, seddexda ciyaaryahanna uma safri doonaan San Siro.

Khadka dhexe Ebrima Darboe iyo Amadou Diawara ayaa labaduba ku jira waajibaadkooda Koobka Qaramada Afrika ugu yaraan labada toddobaad ee soo socda.

Kooxda martida ah ayaa dib u soo dhawaynaysa kabtanka Lorenzo Pellegrini ka dib markii uu dhaawac ka maqnaa bishii December, waana inuu ku soo bilaabo taageerada Nicolo Zaniolo iyo gooldhaliyaha ugu sareeya Tammy Abraham .

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

AC Milan: Maignan; Florenzi, Tomori, Romagnoli, Hernandez; Bakayoko, Tonali; Messias, Diaz, Saelemaekers; Ibrahimovic

Roma: Patricio; Kumbulla, Mancini, Ibanez; Karsdorp, Veretout, Cristante, Pellegrini, Vina; Zaniolo, Abraham.

AC Milan Vs Roma

Tartanka Serie A

Saacada (20:30 pm Somalia) (18:30 pm Yurub)

Garoonka San siro

Garsoore Daniele Chiffi

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan