Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Kismaayo (Dalkaan.com) – Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lumiyey mid kamid ah dhallinyaradii u halgantay xukun joogiisa waana Maxamed Xasan Idiris oo loo yaqaan (Maxamed Ganaey).

Wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaankii Tobanaad Shantii Sano ee lasoo dhaafday, Kursigiisa wuxuu ahaa HOPP#126.

In qof siyaasi ah kursi loo diido maahan mowduuc weyn, laakiin sida loo lumiyey ninkaasi dhallinyarada ah waa cashir dhaawacaya shaqsiyadda iyo daacadnimada hoggaamineed ee Axmed Maxamed Islaam.

Madoobe wuxuu kursigaan dhaafsaday Kursi uu ku fadhiyo nin ay xigto yihiin oo la yiraahdo Geelle, kaasoo yaalo Koonfur Galbeed.

Nin labada kursi la isku badasho Laftagareen waa u siyaasad oo wuxuu la yimid nin uu aamisan yahay inuu codka geyn doono meesha uu isagu rabaa waana Xasan Eelaay, laakiin Axmed Madoobe kursigaan siyaasad ahaan uma wajihin ee heyb ahaan ayuu u sariftay.

Axmed Madoobe iyo Lafgareen si buuxda ayey uga heshiiyeen isdhaafsiga Labadaan Kursi ee HOPP#56  iyo HOPP#126.

Laftagareen wuxuu Kursiga HOPP#56   u dhaafayaa Geelle halka Axmed Madoobe uu kursiga HOPP#126 siin doono Xasan Eelaay oo kamid ah Golaha wasiirada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe oo isaga aabi badan oo dhanka Geelle ah laga so wariyey ayey xujada Koowaad ag taalaa oo ah inuu marka hore isagu bixiyo Kursiga HOPP#126.

Dhawaan mar ayaa la sheegay in dhinaca Axmed Madoobe isku dayeen inay ballanta ka noqdaan kadib markii ay la xumaatay sida ay u dulmiyeen ninka dhallinyarada ah ee Maxamed Ganey oo kooxdooda kamid ahaa balse dhanka Laftagareen ayaa la sheegay inay iyaguna ceejiyeen fursadda Geelle markii ay shakiyeen.

Si walbaba, 26-ka Bishaan ayaa Magaalada Kismaayo waxaa kursiga HOPP#126 lagu siin doonaa Xasan Eelaay kadibna dhanka Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa inay Geelle soo siiyaan Kursiga HOPP#56.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com