Labaatan maalmood kayar ayuu dhammaanayaa muddo-xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda siyaasadda ee dalkuna weli iskuma afgaran hannaankii loo hirgelin lahaa heshiiskii 17-kii Sebtembar ee doorashada federaalka. Heshiiskaas taariikhiga ah, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) waxa ay isku af-garteen in la qabto doorasho dadban, oo ka dhacda laba xarumood oo dowlad goboleed kasta iyo Muqdisho ah, in 101 ergo ay codeeyaan, oo ay doortaan xildhibaanada aqalka hoose, iyo in baarlamaanada dowlad goboleedyadu ay doortaan xubnaha Aqalka Sare. 

Afar bilood kaddib, afar qodob oo doorashada la xiriirta ayaa la isku maan-dhaafsan yahay. Kow, ugu yaraan labo maamul-goboleed (Puntland iyo Jubaland) iyo midowga musharixiinta madaxweynaha ayaa diiddan dhex-dhexaadnimada Guddiga Doorashada Heer Federaal (GDHF). Waxay ku doodayaan in xubno ka tirsan guddiga ay yihiin shaqaale dowladda federaalka iyo sarakiil ka tirsan laamaha amniga. Labo, labada maamul-goboleed iyo midowga musharixiintu waxa ay diiddeen guddiga doorashooyinka xildhibaanada Somaliland oo ay magacowday dowladda federaalku, guddigaas oo ay ku eedeeyeen mid duudsinaya xuquuqda siyaasadeed ee guddoomiyaha Aqalka Sare iyo taageerayaashiisa iyada oo guddoomiyuhu uu yahay hoggaanka ugu sarreeya madaxda la doortay oo ka soo jeeda gobolada woqooyi. Saddex, waxaa jira is-afgaran waa baahsan oo ka jira doorashada kuraasta 16 xildhibaan oo loo qoondeeyey gobolka Gedo ee maamul-goboleedka Jubaland, gobolkaas oo taladiisa ay la wareegtay dowladda federaalka. Sidoo kale khilaaf wajiyo badan leh ayaa ka taagan gobolka Hiiraan (tabasho qabiil, muran awood qaybsi iyo dano doorashada la xiriira), gobolkaas oo ku dhawaad kala bar kuraasta xildhibaanada Hirshabeelle ay tahay in lagu doorto. 

Advertisement

Haddii aan la helin heshiis deg-deg ah oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxaa suurto gal ah in dowladda federaalka ay isku daydo in ay qabato doorasho aan loo dhammayn, taas oo ay u badan tahay in ay meelo badan oo dalka ah ka keento dagaallo. Madashii Aragti Wadaagga ee Machadka Heritage uu dhawaan ku soo gunaanadey Garoowe, waxa ay ahayd isku daygii ugu danbeeyey ee in xal loogu helo is-maan-dhaafka doorashada ka taagan. In kasta oo ay muuqdeen, haddana weli jiraan arrimo badan oo is-afgarad sahli kara, haddana, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu waa ay ku guul darraysteen in fursaddii kulanka Garoowe ka dhalatay loo badello mid is afgarad dhalisa. 

Haddaba, iyada oo la eegayo khatarta muuqata iyo sida muranku colaad afka ugu saaran yahay, waa daruuri in la helo dhex-dhexaadin caalami ah oo udhaxaysa labada dhinac. Bulshada caalamka oo ay horkacayaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo weliba adeegsanaya Golaha Ammaanka waa in ay culayska u badan saaraan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada/mucaaradka si ay u kulmaan maalmaha soo socda ayna dib uga istaagaan albaabka colaadda oo ay siyaasiyiinta Soomaalida garaacayaan. Labada dhinacna ma aysan kulmin ilaa 17-kii Sebtember oo ahayd markii Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada.

Sidee lagu yimid xaaladdan khatar ah? 

Afartii sano oo la soo dhaafay, doorashooyin goboleed ayaa ka dhacay dhammaan shanta maamul-goboleed. Marka laga reebo Puntland, dhammaan doorashooyinkii kale waxay ahaayeen kuwo aan hufnayn, oo laboobay oo natiijadu ay ahayd mid la sii qorsheeyey. Dowladda federaalka ayaa siday rabtay u maamulatay doorashooyinkii Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyada oo ujeeddadu ay ahayd in ay taageerayaasheeda kuraasta madaxnimada goboladaas ay ku fariisiyaan si ay madaxdaasi doorashooyinka heer federal guusha ugu salaxaan madaxda federaalka ee iyaga dhisay. Madaxweynaha hadda ee Jubaland isaguna doorashada gobolkaas isaga ayaa isa soo saaray dadkii la tartamayeyna suuragal uma ahayn in ay galaan doorasho ay si xor ah oo xalaal ah u tartami karaan. Doorashadaas kaddibna waxaa sii murgey khilaafka gobolka Gedo oo hadda noqday gobol Jubaland ka madax bannaan oo hoos taga Madaxweynaha dowladda Federaalka. 

Doorashoonyinkii la musuq-maasuqay ee ka dhacay maamul goboleedyada ayaa u gogol-xaaray hufnaan la’aanta hannaanka doorasho ee heer fedaraal. Marka laga fiiriyo dhanacyo badan, doorashooyinkii afartii sano ee u dambaysay ka qabsoomay maamul goboleedyada intooda badan waxay dalka u diyaariyeen marxalad cakiran oo dhalin karta qarax siyaasadeed, xilli doorasheedka baarlamaanka soo socda iyo madaxwaynaha qaranka. Hoggaamiyeyaasha dawladda federaalka waxa ay filayeen in doorashooyinkii xoogga iyo muraadsiga ku dhisnayd ee maamul goboleedyada ay intooda badan ka soo saareen saaxiibadood in marka la gaaro doorashooyinka heer qaran in ay xaggooda awoodda u janjeerin doonto. Dhanka kale, mucaaradka ayaa aaaminsan in ay adag tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, maaddaama dawladda federaalku ay muquunisay haddana ay maamusho saddax maamul goboleed iyo magaala madaxda, Muqdisho. 

Aragtidan kala kaan ka ah ayay ku salaysan tahay ismari-waaga siyaasadeed ee haatan taagan. Waxaa dhinacyada is haya ka go’an siduu midba midka kale u muquunin lahaa ama u minja xaabin la haa. Saadaashuse ma muujinayso jawi quruxsan oo ay Soomaliya ku xasili karto. Waxaa dhici kara in jaha la’aanta siyaasaddu ay dib u furfurto nabaddii iyo nidaamkii dawliga ahaa ee beesha caalamku ay labaatankii sano ee la soo dhaafay tidcaysay. Ilaa iyo markii ay dib u yagleeddii saddexaad ee qaranka Soomaaliyeed ka billaabatay Jabuuti sannadkii 2000, waxaa dalka ka qabsoomay afar doorasho oo heer qaran ah, kuwaas oo guud ahaan ay saamileyda siyaasaddu heshiis ku ahaayeen, walow ay jireen dhalliilo iyo khaladaad cadcad.

Doodaha iska soo horjeeda 

Dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, dhinac waliba wuxuu fagaaraha la imanayaa dood muhiim u ah oo la xiriira is-maandhaafka ka aloosan doorashooyinka. Mucaaradku waxa ay aaminsan yihiin in Madaxwayne Farmaajo uu doonayo in uu doorashada u boobo si lamida sidii uu ka sameeyay saddex maamul goboleed. Waxaa kale oo ay aaminsan yihiin in jawiga siyaasaseed ee maanta jira iyo muquuninta saddex maamul goboleed iyo Banaadir ay horseedayaan doorasho najiidadeeda la sii ogyahay. Marka lays ku daro Koonkur Galbeed, Gobolada Waqooyi, Galmudug, Hirshabeelle iyo Banaadir waxaa ka soo baxaya ku dhawaad 70% oo ah xubnaha baarlamaanka heer faderaal. Waxaa kale oo ay ka dacwoonayaan xaqqiiqada ah in Madaxwayne Farmaajo uu ku guul daraystay inuu isku dubbarido hannaan doorasho oo la isla oggol yahay sidii ay sameeyeen labadii madaxwayne ee isaga ka horreysay, oo weliba aan iyagu ku guulaysan doorashadii ay maamulayeen.

Dawladda fedaraalku, gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo, waxa uu dhiniciisa ku doodayaa inuu sameeyay tanaasul badan, laga soo billaabo ka hariddii doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan xisbiyo tartama. Madaxwaynaha iyo dawladdiisu waxay ku biireen shirkii Dhuusamareeb 1, 2, iyo kii 3aad si niyad sami leh, walaw ay si cagajiid ah uga tanaasuleen doorosho qof iyo cod ah una aqbaleed in 301 ergooyin ah ay soo xulaan xubin walba oo ka tirsan 275 xubnood ee baarlamaanka aqalka hoose. Waxa ay mar labaad hoosta ka xariiqeen in uu madaxwaynuhu aqbalay dhimista ergooyinkan oo laga dhigay 101. 

Intaa waxaa dheer, hoggaanka dawladda fedaraalku waxa uu aaminsan yahay in isu-tagga musharaxiinta xilka madaxwaynaha, maamul goboleedka Puntland iyo Jubbaland ay si ula kac ah u xagal daacinayaan qabsoomidda doorashada si mudda xileedka Madaxwayne Farmaajo u dhamaado marka lagaaro 08 February 2021, kaddibna looga dhigo madaxwayne aan sharci ku joogin qasriga madaxtooyada. Kaba sii darane, hoggaanka dawladda federaalku wuxuu aaminsan yahay in ujeedka mucaaradku uu ku soo biyo shubanayo ku baaqidda inuusan dalku madaxwayne lahayn markii lagaaro 08 February.

Maxaa nala gudboon? 

Xaqiiqadii ma jiro xal si dhib yar u suurta galinaya ka gudubka ismariwaaga hadda aloosan. Lakiin abuurintaankii jawigii siyaasadeed ee furfuran iyo fikir wadaagii ka qabsoomay Garoowe asbuucyo ka hor, waxaan ka baranay in gundhiga xalku jiro haddii dhinacyada is haya la yimaaddaan go’aan adag iyo geesinimo ay ku gorgortamaan, isuguna tanaasulaan iyaga oo u danaynaya jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Annaga oo ka duulayna jawigii wanaagsanaa ee ka abuurmay shirkii Garowe, waxaan soo jeedineynaa talaabooyinkan soo socda ee xalka noqon kara:

• Guddiga Doorashooyinka: Marka koowaad, waxaan soo jeedineynaa in mucaaradku ay si deg deg ah ugu gudbiyaan magacyada ay ku andacoonayaan in ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka, taageerayaasha aan dhex-dhexaadka ahayn iyo iyo saraakiisha amniga, xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay (SRSG), oo ah hayadda matasha beesha caalamka. Si uu ugala shaqeeyo DFS sidii loo beddeli lahaa xubnaha aan kalsoonida lagu qabin, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii Sebtember-na isla markaana lagu beddelo xubno ka mid noqda guddiga doorashada kuwaas oo dhexdhexaad ah laguna kalsoonaan karo. 

• Marka labaad, waxaan ku talineynaa in dhammaan dowlad goboleedyadu ay soo beddelaan xubnihii guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer maamul goboleedkooda ee ay soo magacaabeen, ee xilalka ka haya maamulladooda ama aan kalsoonida lagu qabin. 

• Tan seddexaad, waxaan u soo jeedineynaa DFS iyo dhammaan maamul goboleedyadu in ay u soo gudbiyaan Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ciddii beddeli laheyd xubnahaas aan kalsoonida lagu qabin, si uu ugala shaqeeyo dhinacyada oo dhan si loo hubiyo in xubnaha guddiyada doorashooyinku ay yihiin kuwo ay isla wadar ogol yihiin dhammaan saamilayda. 

Arrinka Somaliland: Waxa aan ku baaqaynaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Mahdi Gulled- oo ah labada masuul ee ugu sarreeya xubnaha Dowladda Federaalka ku matala Somaliland in ay si wada jir ah u soo magacaabaan guddiga maamulaya doorashada xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland. Waxa aynu aaminsan nahay in labada dhinacba ay diyaar u yihiin inay ka mira dhaliyaan arrinkaas sidii ay muujiyeen intii ay socdeen wadahadaladii Garoowe

Xaaladda gobolada Gedo & Hiiraan: 

Waxaan soo jeedineynaa in dadaallo kala duwan oo wada socda la sameeyo, si xal loo gaaro 

• Marka hore, waxaan ku talinaynaa in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo dhinacyada isku khilaafsan Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo sidoo kale in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo beelaha isku khilaafsan ama kacdoonka ka wada goboladda Gedo iyo Hiiraan. Iyada oo la tixgelinayo cufnaanta ama baahsanaanta iyo is-shabahaadda caqabaadka ka taagan goboladaas, ayna si aan la kala saari karin ugu xiran yihiin doorashooyinkii goboladaas iyo awood qaybsiga dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubaland iyo weliba cabashooyinka qabaa’ilka qaar ee muddada dheer soo jiitamayey, waxaan soo jeedineynaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay la shaqeyso labada dowlad-goboleed si loo bilaabo geeddi-socod dib-u-heshiisiin rasmi ah oo loogu talagalay in si nidaamsan wax looga qabto cabashooyinka ay tabanayaan qabaa’ilka qaar. 

• Tan labaad, waxaan ku baaqaynaa in doorashooyinka labadaas gobol dib loo dhigo muddo kooban si dib-u-heshiisiin degdeg ah oo kooban looga bilaabo deegaanadaas, wadajirna looga shaqeeyo sidii ay ku guuleysan lahaayeen. 

• Tan saddexaad, waxaan soo jeedinaynaa marka horumar laga sameeyo dib-uheshiisiinta deegaanadaas, in ciidamo dhexdhexaad ah oo ka socda AMISOM (oo aan ahayn kuwa ka soo jeeda Kenya iyo Itoobiya) in la geeyo gobol kasta si ay u sugaan amniga magaalooyinka iyo goobaha lagu qabanayo doorashada. 

• Tan afraad, iyadoo la’ogyahay sida xaaladdu ay gacanta oga bixi karto mar kasta, waxaan soo jeedinaynaa in kooxda khubarada doorashooyinka ee Qaramada Midoobay loo xilsaaro abaabulka doorashooyinka gobolladaas iyagoo la kaashanaya hay’adda maamulka doorashada ee dowlad-goboleedyadaas. 

Talooyiikaasi aan soo jeedinay waxa ay si guud ula jaanqaadayaan heshiiskii 17-kii Sebtember 2020-kii lagu gaaray magaalada Mogadishu, ujeedkiisuna wuxuu yahay in loo helo xal dhexdhexaad ah khilaafka ka jira doorashooyinka oo ay ka imaan karto khatar aad u mugwayn oo aan laga soo kabsan doonin. Waxa aannu ognahay in Soomaaliya aysan xamili karin doorasho federaal ah oo lagu muransan yahay, kala qeybsanaanta qotoda dheer ee bulshada dhexdeeda ka jirta awgeed iyo sida ay u kala fog yihiin saamilayda siyaasadda.

Ugu dambeyn, waxa aan ugu baaqeynaa beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Amaanka, in ay door muhiim ah ka ciyaaraan sidii looga baaqsan lahaa dagaal sokeeye. Danayn la’aanta xal u helidda xaaladda khatarta ah ee muuqata ayaa noqon karta hagrasho. Xaqiiqduna waxa ay tahay, inkasta oo la sameeyey horumar baaxad leh 20-kii sano ee la soo dhaafay, haddana, Soomaaliya waxa ay weli ku tiirsan tahay taageerada ay ku bixiyaan beesha caalamka sugida amniga iyo adeegyada aasaasiga ah. In ka badan kala bar miisaaniyadda dowlada dhexe iyo qaybo muhiim ah oo ka mid ah miisaaniyadda dowlad goboleedyada, waxaa bixiya deeq-bixiyayaasha caalamka. Waxaa intaa dheer, in-kabadan 20,000 oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM in ay ka taageeraan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada sugida amniga dalka. Sababtaas awgeed, beesha caalamka gaar ahaan Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu leeyahay door muhiim ah iyo waliba waajibaad in uu dhexdhexaadin iyo dib-u-heshiisiin ka dhex sameeyo dhinacyada is haya marka ay xaaladdu u muuqato mid gacanta ka sii baxaysa oo aan la xakameyn karin.

Faalladan waxay kasoo baxday: Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here