Sidii la wada sugaayay ayaa xalay dhacday kadib markii Varun Dhawan atooraha caanka ah ee Bollywood-ka ka tirsan si rasmi ah u guursaday lamaantiisa Natasha Dalal oo ay mudo dheer wada socdeen haatana ciwaanada fanka Hindiya lamaanahan ayaa qaadanayaan.

Advertisement

Varun iyo Natasha arooskooda wuxuu ka dhacay deegaanka Alibag ee loo dalxiis tago kuna yeelo dhanka Koonfuureed ee magaalada Mumbai waana deegeen xeebeed dadka dabaqada sare u dalxiis tagaan waxaana lagu casuumay arooskan marti 40-qof ka kooban oo u badan reeraha labada qoys xididka noqdeen iyo qaar ka mid ah shaqsiyaadka Bollywood-ka ka tirsan.

Varun Dhawan iyo Natasha Dalal oo ay wehliyaan labadooda qoys waxay kusii sugnaan doonaan deegaanka Alibug sedexda maalmood nagu soo fool leh ayagoo ka kireesteen guri weyn oo 25-qol ka kooban xafladana wey sii socon doontaa maal maha nagu soo fool leh balse nidaamka iyo shuruucda karoonaha ayaa lagu dhaqmi doonaa dad badana goobta ma imaan doonaan.

Varun wuxuu qirtay in tan iyo xiligii kuleejka oo ay isku iskuul ahaayeen Natasha Dalal uu jeclaa labo jeer xiriir ka dalbaday balse dalabkiisa ku gacan seertay laakiin ugu dambeyntii ay jaceylkiisa ka aqbashay haatana waxay gaareen go’aan ah nolosha dhabka ah inay wadaagaan annagana waxaan leenahay bahda Filimside ahaan hambalyo fariida Bollywood-ka waa Varun Dhawan oo doobnimada ama iskaabulonimada ka baxay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here