Atirishada caanka ah ee mudada dheer fanka Hindiya ku jirto Dia Mirza ayaa si rasmi ah ula aqal gashay ganacsadaha reer Mumbai Vaibhav Rekhi oo ay dhawaanahan wada socdeen sidoo kale waxaa baraha bulshada lasoo dhigay ayagoo xiran dharka arooska farxadna ka muuqato kadib markii nolosha si dhab ah u wadaageen.

Advertisement

Xaflad aroos ayay Dia Mirza iyo Vaibhav Rekhi ku dhigteen magaalada Mumbai ayadoo ay kasoo qayb galeen ku dhawaad 50-qofood oo labada qoys ka kala socdeen waxayna Dia Mirza u mahad celisay taageerayaasheeda kala duwan ee baraha bulshada ugu soo hambalyeeyeen iyo asxaabteeda gaarka ah ee hambalyada usoo direen xili xidigtan haatan bisha malabka ay gashay.

Dia Mirza waa 39-jir waxayna afar sano ka weyn tahay ganacsade Vaibhav Rekhi oo ay shalay isla aqal galeen waana markii labaad oo ay xidigtan guursaneyso ayadoo horey ay u kala tageen filim soo saaraha lagu magacaabo Sahil Sangha waxayna isla noolaayeen intii u dhaxeesay 2014 ilaa 2019. Balse haatan nolol cusub ayay xidigtan sameesatay.

Dia Mirza waxay ku dhalatay magaalada Hyderabad balse magac waxay ku yeelatay fanka Bollywood ee xaruntooda tahay magaalada Mumbai. Dhawaana xidigtan waxay soo wadaa filim Telugu ah oo lagu magacaabo Wild Dog waxayna la jileysaa Superstar Nagarjuna waana filim ay door adag ku leeyahay lana daawan doono lixda bilood ugu horeyso sanadkan inta lagu guda jiro.


Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here