Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay taageerayaasha ‘waxaan ka ciyaari doonaa halkan Spain’ isagoo hadalan sheegay inta uu fasaxa ku joogo Marbella.

Wararkan ayaa dhabar jab ku noqon doona labada kooxood ee Manchester City iyo Manchester United oo muddo ku raad joogay 22 jirkan.

Haaland  ayaa la rumeysan yahay inuu haysto 64 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa, laakiin wuxuu u muuqdaa inuu hammigiisa ku wajahan yahay Spain marka uu go’aansado inuu ka tago Borussia Dortmund.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay  AS , intii uu fasaxa ku maqnaa Marbella, Haaland ayaa u sheegay taageerayaasha starstruck ‘waxaan ka ciyaari doonaa Spain’.

Weeraryahanka Norway ayaa horey guri ugu lahaa Spain, sida uu shaaca ka qaaday wakiilkiisa Mino Raiola.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan