Marcus Rashford ayaa goolka guusha u dhaliyay kooxdiisa Manchester United kadib markii ay 1-0 ku garaacday kooxda Hammers kulan ka dhacay Old Trafford.

Guusha Man United ee West Ham United Waxaa laga diiwaangaliyay Xaqiiqooyin Cusub.

Laacibka Garoonka Harry Maguire

Xaqiiqooyin Cusub oo Laga Diiwaangaliyay Kulanka

Manchester United ayaa badisay 21 ka mid ah 26-kii kulan ee ay Premier League ku ciyaartay garoonkeeda West Ham (3 bar-baro iyo 2 guuldaro) waxana aan laga badinin 14 kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Old Trafford ku ciyaaraan tan iyo guuldaradii 1/0 ahayd ee bishii May 2007dii.

Maamulaha West Ham David Moyes waligiis wax guul ah kama soo gaarin Red Devils kulan ay marti ahaayeen Red Devils 15 isku day (4 bar-baro iyo 11), kaliya Harry Redknapp ayaa maamulay kulamo badan oo marti ah garoonka Old Trafford isagoo aan wax guul ah gaarin Premier League (15 kulan).

West Ham ayaa guuldarreysatay afar ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda Premier League (W2 D1).

Man United kaliya hal jeer ayaa laga badiyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League (W6 D3), waxaana ay ilaashadeen shabaqeeda markii ugu horeysay tartanka lix kulan oo ay ciyaareen.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan