Chelsea ayaa guul-darro xanuun badan kala soo kulantay Manchester City oo ay ugu tagtay Etihad Stadium, waxaana lagaga  soo badiyey 1-0 iyadoo ay hadda gabaabsi noqotay rajadoodii ahayd inay ku tartamaan horyaalka.

Man City ayay guushani siisay inay 13 dhibcood ku qabato hoggaanka horyaalka, hase yeeshee Liverpool ayay laba ciyaarood baaqi u yihiin oo haddii ay wada guuleysato soo gaaban karaysa farqiga dhibcaha  ee City ay ka horreyso.

Xidiga Garoonka Kevin de Bruyne

Waxaa jira Xaqiiqooyin laga Diiwaangaliyay kulankan

 Manchester City ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League. Waa wareegii 9-aad ee 12 guul ama wax ka badan taariikhda tartanka, iyadoo City ay haatan mas’uul ka tahay afar ka mid ah kuwaas, oo dhamaantood hoos imaanaya Guardiola.

Waxa uu ahaa kulankii 50-aad ee Premier League ee u dhexeeya Manchester City iyo Chelsea – iyagoo badiyay kaliya seddex ka mid ah 25-kii ugu horeysay, City ayaa badisay 13 ka mid ah 25kii ugu dambeeyay ee kooxaha.

Chelsea waxa ay ku guuldareysatay in ay diwaan gashato hal darbo qeybtii hore ee ciyaartaan,waana markii ugu horeysay oo ay ku guuldareysato in ay hal darbo ku rido horyaalka Premier League tan iyo May 2018 (qeybtii hore vs Newcastle).

Chelsea ayaa todobo taabasho oo kaliya ku taabatay xerada ganaaxa Manchester City, waana koodii ugu yaraa ee kulan Premier League ah tan iyo January 2015 – sidoo kale 7 taabasho ayay ku garaacday Manchester City.

Ma jirto koox uu De Bruyne ka dhaliyay Premier Leaque in ka badan goolkii uu ka dhaliyay Chelsea (5), halka goolkii uu ka dhaliyay iyaga uu yahay goolkii ugu badnaa ee uu ka dhaliyay Blues ciyaartoy kasta oo hore ugu soo ciyaaray tartanka.

De Bruyne ayaa dhaliyay 21 gool oo Premier League ah meel ka baxsan diilinta ganaaxa, waana goolashii ugu badnaa ee ciyaartoy kasta tan iyo xili ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Manchester City (2015-16), waana gooldhalinta ugu badan ee ciyaartoy kasta oo Manchester City ah taariikhda tartanka.

Goolhayaha City Ederson waxa uu shabaqiisa ilaashaday boqolkiiba 50% kulamadii Premier League (83/166) – waa goolhayaha kaliya ee ugu yaraan 100 kulan saftay taariikhda tartankan in ka badan kala badh .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan