Photo/Skysports

Mohamed Salah ayaa Rigoore ka Qasaariyay Liverpool iyadoo Reds ay 1-0 guul daro ah kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka tirsan Premier League.

Guuldaradaasi kadib waxaa jira Xaqiiqooyin laga diiwaangaliyay labada Kooxood.

Xaqiiqooyinka Kulankan kadib

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso markii ugu horeysay 29 kulan oo Premier League ah, iyo markii ugu horeysay tan iyo guuldaradii 1-0 ee gurigeeda kasoo gaartay Fulham bishii March.

Liverpool ayaa soo afjartay 2021 si la mid ah sidii ay ku bilowdeen, iyagoo ku guuldareystay inay gool ka dhaliyaan meel ka baxsan garoonkeeda. 

Reds ayaa shabaqa soo taabatay mid kasta oo ka mid ah 28-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartaytartamada oo dhan labadan kulan.

Ademola Lookman ayaa gool dhaliyay kulamadii isku xiga ee Premier League markii ugu horaysay xirfadiisa ciyaareed, iyadoo weeraryahanka uu gool ka dhaliyay kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Tan iyo bilowgii 2020, Kasper Schmeichel ayaa badbaadiyay rigooreyaal ka badan horyaalka Premier League gool haye kasta.

Mohamed Salah ayaa lumiyay kaliya rigooradii labaad ee horyaalka Premier League. Mid kasta oo kamid ah 15-kii isku day ee hore ayuu dhaliyay .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan