Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay Masar ku badisay koobka qaramada Afrika oo ay ku xulka Guinea-Bissau garoonka Roumde Adjia Stadium.

Xiddiga Liverpool ayaa goolka dhaliyay badhtamihii qeybta dambe Daqiiqadii 69aad ee ciyaarta si uu u xaqiijiyo dhibcaha ugu horeeya ee kooxdiisa.

Xulka faraacinada ayaa neefta ka fuqday waqti dambe, waloow markii danbe gool lagu heli rabay kaasi oo ka imaan lahaa Mama Balde lakin VAR ayaa baaritaan dheer ku sameysay qaladka uu ku galay gooldhaliyaha Cumar Kamaal.

Salah ayaa ku dhibtooday inuu wacdaro ka dhigo guuldaradii furitaanka Masar ka soo gaartay Nigeria. 29-sano jirkaan ayaa ku soo laabtay booskiisa midig.

Xulka Masar ayaa hada ku soo baxay kaalinta labaad ee Guruubka D iyadoo ciyaar ay harsantahay

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan