
Muqdisho (Dalkaan.com) – Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mudsal Shekh Cabdiraxman ayaa ka dhawaajiyay iney xilka sii heyn doonaan ilaa laga helo baarlamaankii badali lahaa.
Gudoomiye Maxamed Mursal wuxuu shir gudoominayay kulankii 7-aad ee kalfadhigii 8-aad ee golaha shacabka kaas oo laba ajande looga hadlay.
1. Akh 1aad ee Miisaaniyadda 2021
2. Akh 2aad H/Sh Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga
Intii lagu jiray kalfadhigii 8-aad ayuu mar kale ku celiyay in Baarlamaanka 10-aad oo uu gudoomiyaha u yahay ay xilka sii heyn doonaan inta laga dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad ee iyaga badali doona.
Hadalka gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadaya xilli muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku egyahay bishaan aynu ku jirno.
Source: dalkaan.com