Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay maamulka degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa waxaa xil-kan loogu magacaabay inuu qabto Mucaawiye Sheekh Axmed Muudey, kaas oo ah nin dhalinyaro ah.

Mucaawiye ayaa bedalaya guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Marxuum Maxamed Cabdi Xayle oo 17-kii bishan April lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa faray guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah ula wareego xil-ka, isagoona sidoo kale amray saraakiisha laamaha ammaanka inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo horey u ahaa wariye ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo aan weli lasoo bandhigin natiijada baaritaanka dilkii loo geystay AUN Marxuum Xayle oo si arxan darro ahaa loogu dilay Sarkuusta.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here