Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho ( Dalkaan.com) – Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqadooda ay halis ku jirto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkii loo doortay balse ay jiraan caddaadis ay kala kulmayaan dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.

Xuseen ayaa sheegay intii ay ku guda jireen xalinta kuraasta doorashooda uu muranku ka dhashay in dad badan oo dhinacyo kala duwan ay caddaadis saareen taasina ay shaqadooda halis ku tahay .

Guddoomiyaha ayaa dhinacyada isku haya doorashada ka codsaday in guddiga xalinta khilaafaadka loo madax banaaneeyo shaqadooda si ay u gutaan wajiibkooda.

Wuxuu si cad u sheegay inaysan jirin koox gaar ah oo ay u shaqeeyaan oo ay yihiin guddi qaran oo dhexdhexaad ka ah doorashada ka socota Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u jeediyeen guddigooda dhaliilo dhaawici kara howlaha ay bulshada u hayaan.

“Midowga Musharaxiinta waxaan leeyahay Hogaamiyayaashii Berri ayaa tihiid wax na waydiiya inta aadan na dhaliilin ” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafka.

Waxaa uu ugu baaqay Midowga Musharaxiinta haddii ay dhaliilo qabaan in ay u yimaadaan ayna diyaar u yihiin in ay wax waliba ay ka qancin doonaan.

Hadalka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadayo xilli si weyn loogu dhaliilay go’aankii ay ka qaateen kursiga uu kusoo baxay Yaasiin Farey oo ay ka hor timid beeshii laheyd oo sheegtay inaan waddo sax ah loo marin.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com