Jilaaga caanka ee Bollywoodka Govinda wuxuu magac iyo maamuusba yeeshay sanadihii sagaashamaadkii xiligaasoo aflaamtiisa sida weyn loo daawan jiray.

Govinda ayaana ku caan baxay qoob ka ciyaarka iyo filimaanta shactirada ah, asigoona filimadiisa kamid ahaayeen kuwa lacagaha ugu badan laga helo 9madkii.

Govinda ayaa haatan ku mashquulsan inuu wax ka qoro noloshiisii khaaska aheyd, asigoona qorshihiisa ahaa marka uu gaaro da’da 57 sano inuu bilaabo qorista buug sheekadiisa ka hadlaayo, haatan oo uu da’daas gaarayna wuxuu bilaabay hirgalinta arinkaas.

Govinda oo loogu naaneyso magaca Chi Chi ayaa sheegay in noloshiisa gaarka ah aanan hal buug lagu soo bandhigi karin, marxalad kasta oo noloshiisa kamid ahna ay buug gaar ah u baahantahay laga soo bilaabo caruurnimadiisii.

Govinda ayaana isku tilmaanay inuu yahay qof nasiib leh marwalbana u hiilisay nolosha.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here