Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay wax ka weydiisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Marseille Boubacar Kamara .

22-sano jirkaan ayaa galay lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa, sidaas darteed wuxuu xor u yahay inuu wadahadal la galo kooxo ajnabi ah bishaan si uu ugu dhaqaaqo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxaa jiray soo jeedinno sheegaya in Marseille ay u furan tahay iib bishaan, iyadoo kooxda Ligue 1 ay ka caga jiideyso inay beeca xorta ah ku weyso xiddiga reer France ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Man United ayaa muddo dheer lala xiriirinayay xiddiga khadka dhexe, sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , Red Devils ayaa saxiixiisa ‘u soo bandhigtay’.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda heysata 20-ka jeer horyaalka Ingariiska ay haatan sahamineyso suurtogalnimada ay ku keeni karto Old Trafford ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Kamara ayaa mar kale ahaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Marseille xilli ciyaareedkan, isagoo u saftay 23 kulan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 17 kulan oo uu saftay horyaalka France.

Real Madrid , Barcelona , West Ham United iyo Newcastle United ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga reer France bishaan ama si xor ah xagaagan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan