Laal Singh Chaddha ayaa kamid ah aflaamta sida weyn loo sugayey labadii sano udambeysay balse caqabado badan aawgeed dib udhac ayuu ku imaanayey mashruucan oo ay hogaamiyaal ka yihiin Aamir Khan iyo Kareena Kapoor.

Waa Filimkii seddexaad oo ay isla sameyaan xidigaan kadib 3 Idiots iyo Talaash oo labadaba guuleysteen inkastoo 3 Idiots guul weyn gaaray hadaba Laal Singh Chaddha ayaa la filaa inuu noqdo mashruucooda ugu xiisaha badan.

Advertisement

Filimkaan oo meelo kala duwan lagu duubay Aamir ayaa ku fikiray in muuqaalka udambeya oo ah jadwalka dhamaadka filimkaan inuu la sugaayo bilaha May iyo June waxuuna sheegay ayaa la yiri in xili wanaagsan yahay kuna haboon duubista muuqaalka dhamaad.

Aamir atooraha filimka kaliya ma ahan ee sido kale waa qarash gareeyaha iyo hal abuuraha mashruuca waxuuna ku leeyahay aragtiyo kala duwan aragtidaana isagaa qabo oo ah muuqaalka dhamaadka ee dagaalka ah in xiigaas la duubo dabcan mashruucana qeybaha dambe sanadkaan ayaa la daawanaa.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here