Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre oo ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa markale si adag uga hadlay xaaladda maamulka HirShabelle, kadib doorashadii dhowaan lagu qabtay gudaha magaalada Jowhar.

Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in ujeedada laga lahaa doorashada HirShabelle ay aheyd in kuraasta baarlamaanka federaalka lagu boobo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in reer Hiiraan aysan marnaba raalli ka noqon doonin arrintaasi, isaga oo dhismaha HirShabelle ku tilmaamay mid iska fowdo ah

“Waa xaqiiqo inay jirto dhibaato weyn oo aan sahlaneyn reer hiiraan waxay arkayaan in meesha fowdo ay tahay, dowladnimo aysan ka jirin wax lakala boobayo, horta sabab dad wax boobayo loo sii  hordhaco wax ha boobina loo dhaho ma jirto, ”ayuu yiri Goodax Barre.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa sidoo kale soo jeediyey in reer Hiiraan ay dhistaan maamul gooni ah, sababtana wuxuu ku sheegay in aysan ka sii mid ahaan karin HirShabelle.

”Reer Hiiraan waxaan u wanaagsan in ay gooni-isu-taag qaataan, waa tan ugu wanaagsan arintaa, maxaa yeelay waxaa muuqata in gobolku uusan ka sii mid ahaan karin maamulkan Hirshabeelle oo sharci darro ku dhisan,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo khilaaf xoog leh uu ka dhashay doorashadii HirShabelle, kaas oo haatan xoogiisu uu ka taagan yahay magaalada Beleedweyne.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here