Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay ururka ONLF ee Soomaali Galbeed iyo Dhiibistii Qalbi Dhagax.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha xukuumadda sanadkii 2017-kii, kaasi oo ka dhan ahaa ururka ONLF.

Go’aankan cusub ayaa waxa uu meesha ka saaraya middkii hore ee xukuumadda Kheyre ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso, kadib markii Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax loo dhiibay xukuumadda Addis Ababa.

Sidoo kale waxa uu Golaha sheegay inay khalad aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax ee loogu gacan galiyay dowladda Ethiopia.

2017-kii ayey aheyd markii ay Kulan deg deg ah ay isugu yimaadeen Golaha Wasiiradii xukuumadda Kheyre, kaasi oo uu goob joog ka ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Cabdullaahi Farmaajo, gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Aqalka sare, Odayaal iyo siyaasiin hore.

Kulankaas ayaa xiligaas waxaa looga arrinsanayay arrinta Qalbi Dhagax oo xiisad xoogan ka dhalatay, waxayna dowladda Soomaaliya ku wareejisay Ethiopia Cabdikariin Shiikh Muuse “Qalbi dhagax” oo ahaa Sarkaal ka tirsan ONLF.

Dowlada ayaa sheegtay xiligaas markii loo eego heshiisyo ay hore u galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ay waajib ku tahay dowlada Soomaaliya in ay Ethiopia u gacan giliso Qalbi Dhagax oo ay sheegtay in uu ahaa Argigixiso.

Waxay markaasna xukuumadda ururka ONLF ee Soomaali Galbeedu aqoonsatay urur argagixiso, kaasi oo maanta gebi ahaanba laga laabtay, oo ay xukuumadda Rooble ka saartay liiska argagixisada.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com