Musalsalka Ghum Hai Kisi Key Pyaar Mein ee Soomaalidana u taqaano Qofu Lunsaday CAASHAQA ayaa isagana meel xiiso leh maraayo inkaastoo Virat iyo Pakhi nolosha dhabta  ah faraanti isku geliyeen misane lamaane noqdeen hadana shaashada markii la joogo Pakhi waa laga maseersiinaa.

Virat ayaa jeclaaday gabadha Sai ah waxuuna si qasab ah kusiinaa cuno waliba gacantiisa xili ay diidaneed arinkaas ayee Sai usheege Ashwini oo ah Virat hooyadiis xili ay Pakhi maqleyso aadna u maseereyso.

Advertisement

Sai guriga waa laga neceb yahay sida caadada ahna maalin walba waa lagu qeylya markaana waxaa lagu qabsanaa shaah ay Pakhi samesay oo cusbo leh waxayna qoyska mar dambe ogaanayaan in Pakhi sameysay shaaha.

Sai dareen jaceyl ayaa iyadana kudhashtay waxayna ogaane in Virat iyada darted maalin dhaweyn jaamacada u yimid isagoo ka maseersan Aniket wiil ladhaho hadaba Sai runte ka sheeg siinee Virat wuuna qirana inuu jaamacada iyadda darted utagay dhinaca kale waxaa jiro safar loo bixi rabo.

Samrat oo ah ninka Pakhi qabo ayaa dhankiisa aqbaar laga hela ama warqad sidaa aawged Virat iyo Pakhi inee baxaan ayaa la qorsheynayaa balse Virat hooyadiis waxay dooneysaa in Sai iyadana raacdo inkastoo Sai is diidsiineyso waxaad mooda inee raaci rabto labadooda.

Lasoco xalqadaha dambe…

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here