Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Georginio Wijnaldum ayaa loo maleynayaa inuu u furan yahay inuu u wareego Tottenham Hotspur bishaan.

Laacibkii hore ee Liverpool ayaa ku qiyaameeyay Parc des Princes tan iyo markii uu xagaagii yimid, waxaana durba la saadaalinayaa inuu dib ugu laaban doono Premier League.

Iyadoo PSG loo maleynayo inay wadahadalo kula jirto xidigaha Spurs ee Dele Alli iyo Tanguy Ndombele , rajada ah in Wijnaldum loo isticmaalo wada xaajoodka ayaa si lama filaan ah loo soo bandhigay.

Sida laga soo xigtay 90Min , Wijnaldum ayaa u furan inuu qayb ka noqdo heshiis ciyaaryahan iyo lacag caddaan ah oo lala galo Tottenham, halka Julian Draxler uu sidoo kale ku faraxsanaan lahaa inuu u dhaqaaqo Waqooyiga London.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Wijnadlum kooxdiisa ay ku wargaliyeen Tottenham rabitaanka xiddiga reer Holland inuu ku laabto England, lix sano ka dib.

31 jirkan ayaa loo diwaan galiyay 3 gool iyo laba caawin 25 kulan oo uu u ciyaaray kooxda PSG xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ka maqnaa kooxdii axadii ee Ligue 1 ay ka badisay Reims sabab la xidhiidha dhaawac canqowga ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan