Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay ku dhawaaqdo qandaraas cusub oo ay ka saxiixday ciyaar yahanka khadka dhexe ee Gavi .

17 jirkaan ayaa fure u ahaa kooxda Catalan intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo u saftay 24 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay hal gool iyo seddex caawin.

Qandaraaska Gavi ee Barcelona ayaa dhacaya June 2023, warbixin dhawaan soo baxdayna waxay sheegtay in Chelsea , Manchester City iyo Liverpool ay dhamaantood ku tartamayaan saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano , xidiga ayaa ku dhow inuu heshiis la gaaro kooxdiisa La Liga oo uu heshiis cusub u saxiixo ilaa 2026.

Ciyaaryahanka ugu da’da yar Spain ayaa dhaliyay hal gool, waxaana uu caawiyay seddex gool 17 kulan oo La Liga uu u saftay kooxda Xavi intii lagu jiray ololaha 2021-22.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan