Facebook

Advertisement

Dhuusamareeb (Dalkaan.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad muddo kooban socday oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyey maleeshiyaad hubeysan.

Is-rasaaseynta oo geysatay khasaare ayaa waxa ay timid, kadib markii maleeshiyaadka labada dhinac ay isku qabteen dhul ku yaalla duleedka magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay dagaalkaasi, kaas oo ay dadka deegaanka magaciisa ku sheegeen, Cabdullahi Caabi Cali.

Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ah ganacsatada dhulka, waxaana si weyn looga yaqaanay magaalada Dhuusamareeb & deegaanada ku xeeran.

Goobta uu dagaalku ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Galmudug, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa is qab-qabsi & murano la xiriira dhulal ku yaalla halkaasi.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here