Rigoore uu dhaliyay Musa Barrow daqiiqadii ugu dambeysay ayaa xulka Gambia u suura galisay helitaanka hal dhibic kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Mali ciyaar ka tirsaneyd koobka qaramada Afrika.

Waxaa garoonka Stade Municipal de Limbe ka dhacay ciyaar badankeeda la qaatay go’anka VAR iyadoo garsoore Samir Guezzaz uu labo rigoore ku abaalmariyay 11kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ee Group F.

Markii hore, Ibrahima Kone ayaa xulkiisa Mali u dhiibay Hogaanka ciyaarta oo socota 79 Daqqiiqo goolkaasi oo ahaa rigoore lakin dhamaadka Ciyaarta Xulka Gambia ayaa helay gool rigoore ah waxana u dhaliyay M. Barrow Daqiiqadii 90aad.

Goolkaas ayaa ahaa goolkii 22-aad ee ay Mali ka dhaliso qeybta nasashada ee koobka Qaramada Afrika tan iyo 2010, iyadoo kaliya Ivory Coast (25) ay intaasi ka badan sameysay.

Tunisia 4-0 Mauritania: 

Wahbi Khazri ayaa labo gool dhaliyay iyadoo Tunisia ay sare u qaaday rajadeeda u soo bixida koobka qaramada Afrika ka dib markii ay 4-0 kaga badisay Mauritania.

Weerar yahanka Saint-Etienne ayaa shabaqa soo taabtay , halka Hamza Mathluthi iyo Seifeddine Jaziri ay sidoo kale shabaqa soo taabteen iyadoo Eagles of Carthage ay heleen dhibcihii ugu horeeyay ee Group F.

Ivory Coast 2-2 Sierra Leone:

dhanka kale gool uu dhaliyay dhamaadka ciyaarta xidiga Kamara ayaa la micno ah in Ivory Coast ay barbaro 2-2 ah la gashay Sierra Leone koobka qaramada Afrika.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan