Karl Toko Ekambi ayaa dhaliyay labada gool iyadoo xulka martida loo yahay ee Cameroon ay iska xaadiriyeen semi-finalka koobka qaramada Afrika ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Gambia.

Gambia ayaa wac-daro dhigtay markii ay ka soo baxeen heerka group-yada markii ugu horeysay ee ay ka qeyb galaan.

Cameroon ayaa qaybtii hore ee ciyaarta maamulaysay balse waxayna hogaanka ciyaarta qabteen Daqiiqadii 50aad Xidiga Karl Toko Ekambi ayaa Madax ku dhameestiray kubad lasoo qaaday 3 Daqiiqo kadib isla Xidigan ayaa goolka labaad u dhaliyay xulkiisa isagoo ka faa’ideestay kubad looga keenay dhanka bidix.

Masar ama Morocco,ayaa ciyaaridoona Bari oo Axad ah Xulka soo baxa ayaana ku dhicidoona Cameroon semi-finalka.

Dhanka kale Burkina Faso Ayaa guul ka gaaray Tunisia ciyaar ku soo dhamaatay 1-0 Goolka kaliya ay ku badiyeen Xulka Burkina Faso waxaa u saxiixay Dango Ouattara.

Qeybta Labaad ee Kulankan waxaa jiray Fursado ay heleen Tunisia iyadoo laga diiday Gool rigoore ahaa markii dib loo eegay Var.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan