Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Boosaaso (Dalkaan.com) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan faroole iyo Cabdiweli Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa si wadajir ah bayaan uga soo saaray xiisada ka loosan magaalada Boosaaso.

Masuuliyiintaan ayaa bayaankooda uga soo hor-jeestay qodobadii ay xalay Isimada Puntland sheegeen inay doonayaan in lagu xaliyo xiisada Boosaaso ee u dhaxeysa Madaxweyne Deni iyo Agaasimaha PSF Maxamuud Diyaano.

“Waxaan cadeyneynaa in qoraalka Isimada 5-ta ah ay soo saareenuusan quseyn ergadayada, talo kuma lihin, waliba sidii aan kula balanay nalama aysan wadaagin, balse waxaan qoraalkooda ka aragnay baraha bulshada, qoraalka Isimada maaha mid wax u taraya xasiloonida iyo wadajirka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalkan caawa ka soo baxay siyaasiyiintaan reer Puntland.

Hoos ka akhriso bayaanka

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com