Caziiza waxay usheegtay Fusun inee jirto gabar ay dhashay sidaas ayeena Fusun isaga dhaaftay inee weerarto Miran hadaba gabadhaas waa gabadha cusub ee taxanaha soo gashay taaso lagu magacaabo AZRA gabadhan waxaa soo korsatay Dilshah.

Caziiza inee Fusun gabadheeda ku wareejiso waxaa ku qasbayaan Reyan iyo Nasuh waxayna labadoodaba ku adkeynayaan inee Caziiza si deg deg ah Fusun ugu wareejiso gabadheeda iyagoo aaminsan in Fusun aargoosiga joojin doonto nabad na lawada heli doono.

Advertisement

Hadaba Caziiza oo ka caga jiideysa ayaa ogolaaneyso arinkaas waayo waxay diidaned fagtii hore in Miran kasii fogaado iyada Caziiza ah kadib markuu ogaado arinkaan waxaa jirto kulan dhexmaraayo AZRA iyo Caziiza inkastoo Dilshah kasoo horjeedo kulankooda marwalba si dhuumaaleysi ah ayeena udaba galeysaa.

Suaasha waxay tahay Caziiza ma siin doontaa Fusun gabadheeda, Miran haduu ogaado maxuu sameynaa, gabadhan cusub ee Azra ah ma waxay jeclaan doontaa Miran ileen xan noocaas ah ayaa jirto hadaba dhacdooyinka dambe iyo xalqadaha dambe ayaan ku ogaan doonaa.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here