Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa ka hadashay xaalka filimka Sooryavanshi oo siweyn loo aaminsan yahay in 2 bisha April 2021 tiyaatarada gudaha Hindiya la saari doono balse weli waxaa jiro is mari waa u dhaxeeyo kuwa tiyaatarada iska leh iyo kooxda filimkan maal galinayaan madaama la isku fahmi weesan yahay saamiga lacagaha filimkan qaabka loo qeebsanayo marka tiyaatarada la saaro.

Advertisement

Kooxaha tiyaatarada iska leh waxay u ogolaadeen soo saarayaasha filimka Sooryavanshi in 65% ay qaateen saamiga lacagaha filimkan laga helo todobaadkiisa kowaad marka tiyaatarada la saaro sidoo kalena 10% saamigaas hoos u dhacaayo todobaadka labaad, sedexaad, afaraad ilaa inta uu tiyaatarada ka dagaayo.

Sida caadiga ah nidaamka wuxuu ahaan jiray 52% lacagaha filimka laga helo inay qaataan kuwa tiyaatarada iska leh laakiin markaan waxay sameeyeen tanaasul waali ah ayagoo u baahan filimka Sooryavanshi si daawadayaasha filimkan uu tiyaatarada dib ugu soo celiyo madaama uu yahay filim weyn oo Action ah Akshay Kumar iyo Katrina Kaif hogaamiyaal ka yihiin halka Ajay Devgn iyo Ranveer Singh muuqaalo marti ah ku leeyahay halka Rohit Shetty uu agaasimayo.

Sidoo kale kooxda filimka Sooryavanshi waxay dalbadeen in 4-todobaad filimkan markii tiyaatarada saarnaado in OTT lagu soo fasaxo madaama shirkada Netflix lacago waali ah diyaar ula tahay balse kuwa tiyaatarada iska leh arinkan wey diidan yihiin waxayna dalbadeen 6-todobaad marka uu mashruucan tiyaatarada saarnaado in Online ahaan loo daawado.

Ugu dambeyntii shabakada BOI waxay leeyihiin kooxda filimka Sooryavanshi ayay kubada lugta ugu jirtaa haddii ay aqbalayaan fursada qaaliga ah ee hortaalo iyo haddii ay iska diidayaan balse shabakadan waxay qabtaa aragti ah in Sooryavanshi 100% u wanaagsan tahay in tiyaatarada la saaro 2 April oo ay kooxda filimkan macaash xad dhaaf ah heli doonaan madaama wax walbo u ogol yihiin kuwa tiyaatarada iska leh.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here