Facebook

Advertisement

Dhuusamareeb (Dalkaan.com) – Wasirka amniga dowlad goboleeedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay sababta loogu cadaalad doonto dagaalyahanada Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah u xusay waaxda garsorka.

Axmed Macalin Fiqi ayaa tusaale usoo qaatay dacwadii la joojiyay wasiirkii hore amniga Jubaland Cabdirashiid Janan kaas oo dacwadiisa ay soo xireen xeer ilaalinta iyo makamadda gobolka Banaadir oo wadajir ah.

Janan oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka ah ayaa gal dacwadeedkiisii la laabay, wuxuuna Fiqi sheegay in garsoorka Soomaaliya oo liita darteed loo cadaalad doontay Al-Shabaab.

“Waa sababta dadweynaha ay safafka dhaadheer ugu jiraan maxkamadaha kooxda argagixisada, waana nasiib darro,” ayuu yiri Axmed Fiqi oo soo qaatay waraaqahii kasoo baxay xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolka banaadir.

Arintaan waxey timid kadib markii dowladda Federaalka ay heshiis la gaartay C/rashiid Janan kaas oo xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here