Filmka Red ayaa ugu dambayntii lasaaray tiyaatarada. Filimkaan Telugu-ga ah ee xiisaha badan , oo ay wadaan Ram Pothineni, Nivetha Pethuraj, Malvika Sharma iyo Amritha Aiyer, ayaa ugu dambeyn lasaaray shineemooyinka. Waxaana lagu raja weynyahy inuu soo dhaweyn hello walow uu culees kala kulmayo master iyo Krack .Filimkan oo ah dib u sameynta filimka Tamilka ah ee Thadam, waxaa Director ka ah Kishore Tirumala.

Advertisement

Nivetha Pethuraj, oo filimkaan ku jileysa sarkaal boolis ah ayaa la wadaagtay sida ay ugu faraxsan tahay inay ka shaqeyso dib u sameynta Telugu ee Thadam. Waxay u sheegtay indianexpress, “Intaan u shaqeynayay Chitralahari, Kishore Tirumala wuxuu ii sheegay qorshihiisa ku saabsan Telugu dib u sameynta Thadam. Markiiba waxaan siiyay kalsooni ah inaan ku biiro mashruuca anigoon xitaa dhageysan sheekada ama aan daawanin nuqulkeeda Tamil.

” Pethuraj uma baahnin inay wax badan u diyaariso doorkeeda sida ay aaminsan tahay, “Marka aan la shaqeyno Kishore Tirumala, uma baahnin dadaal badan si aan nafteenna ugu beddelno dabeecad u gaar ah. Way fududahay in lala shaqeeyo asaga oo og waxa uu ugu baahan yahay muuqaalada.

Intii lagu gudajiray wareysiga indianexpress.Nivetha Pethuraj waxay la wadaagtay sida ay u jeceshahay la shaqeynta jilaaga iSmart Shankar Waxay tiri, “Ram Pothineni waa nin xirfad badan. Wuxuu leeyahay madadaalo iyo farxad.” Red waxaa soo saare ka ah Sravanthi Ravi Kishore waxaana maalgaliyay Krishna Pothineni.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here