Inaba caadi ma ahan Super Star Vijay filimkiisa Master kaasoo tiyaatarada India gilgilay todobaadkii hore kadib markii uu soo xareeyay lacago marnaba lagu fikirin xaaladaan lagu jiro in la keeni karo.

Vijay filimkiisa 5tii maalin ee ugu horeysay wuxuu ka faa’ideystay fasaxyo jireen asigoona keenay 101 crore, waliba xisaabta ku darso in 50% kaliya shineemooyinka furanyihiin maadaama uu jiro Covid19.

Advertisement

Filimka Master ayaase hoos u dhac sameeyay 4tii maalin ee ka dambeysay wuxuuna keenay 24 crore taasoona wadarta guud ee mudo 9 maalmood ka dhigeyso inuu soo xareeyay 125 crore.

Filimkaan lacagaha ugu badan wuxuu kasoo xareeyay gobolka uu kasoo jeedo Vijay ee Tamilka asigoona ilaa haatan halkaas ka keenay 78 crore qiyaas ahaan.

Sidoo kale wuxuu lacago fiican ka keenay gobolka Nizam / Andhra asigoona ka keenay 22 crore, Mysore / Karnataka wuxuu ka keenay 12.25 crore, Kerala wuxuu ka keenay 9 crore, halka Hindiya inteeda kalana uu ka keenay 4.25 crore.

Filimkaan oo Blockbuster weyn noqday ayaana marnaba la filaneynin lacago ceynkaan ah inuu todobaad gudahooda ku keeni doono, balse awooda Vijay ayaa noqotay midaan loo dhawaan karin waqti xaadirkaan.

Waa hubaal in filimka Master maalmaha soo socdo hoos u dhac sameyn doono asigoona lagu wado inuu sameeyo 20% ilaa 25% hoos u dhac ah markii loo fiiriyo lacagihii uu soo xareeyay 4tii maalin ee ugu dambeysay, waxayna u badantahay filimkaan in qiyaas ahaan uu 150 crore cimri ahaantiisa kasoo xareyn doono gudaha India.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here