Si lama filaanka ah filimka cabsida iyo shactirada isku jiro ee fariinta Zombiiga xambaarsan laguna magacaabo Zombie Reddy ayaa HIT ku noqday sedexdiisa maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay mashruucan Telugu ah.

Advertisement

Filimka Zombie Reddy wuxuu keenay 6.50 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray wadarta Jimco ilaa Axad sidoo kalena gudaha Hindiya kaliya wuxuu ka keenay 5.50 Crore waxayna qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen 3.80 Crore ayagoo marka hore ku iibsadeen 3.50 Crore ilaa 4 Crore lacag u dhaxeyso sidaas ayuu HIT ku noqday madaama lacagtiisa sedex maalmood kusoo celiyay welina uu sii gadmaayo.

Filimka Zombie Reddy waxaa hogaamiye ka ah wiilka lagu magacaabo Sajja Teja waxaana ku wehliyaan Anandhi iyo Daksha Nagarkar halka Prasanth Varma  uu soo saare ka yahay waana filimkii ugu horeeyay ee Telugu ah kaasi oo fariinta Zombiiga xambaarsan ama dadka bahalada ah ee is qaniinayaan ama is cunayaan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Zombie Reddy oo siweyn loo hada haayo kaasi oo ilaa haatan si adag kaga gadmaayo magaalada Hyderabad oo ku dhawaad 400 shows ama tiyaatar laga daawanayo asigoo maalintiisa 4-aad kuga galay ee uu tiyaatarada saaran yahay:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here