Filimka weyn ee RRR oo ay hogaamiyaal ka yihiin Ram Charan iyo Jr. NTR halka Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihiin ayaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in dabyaaqada sanadkan la daawan doono gaar ahaan 13 October 2021 waxaana lagu daawan doonaa dhamaan luqadaha Hindiya ugu caansan waxaana Director ka ah SS Rajamouli.

Advertisement

Balse kooxda filimka RRR haatan waxaa weerar culus dhanka afka ku qaaday filim soo saaraha ruug cadaaga ah ee mudada dheer fanka Hindiya kusoo jiro Boney Kapoor oo la dhashay Anil Kapoor wuxuuna ku tilmaamay talaabada ay qaadeen kooxda RRR inay mid aqlaaq darro ah sidoo kalena xushmad iyo tixgalin aysan ka muuqanin balse tahay talaabo cirweynin iyo damac ka muuqdo!

Soo saare Boney Kapoor wuxuu sheegay in lix bilood ka hor uu shaaca ka qaaday filimkiiisa Maidaan ee Superstar Ajay Devgn hogaamiye ka yahay in la daawan doono 13 October 2021 si feestada Dusera iyo 5-maalmood firaaqo ah ka faa’iideesto wuxuuna leeyahay waxay ahayd in kooxda RRR tixgaliyaan waqtiga ay doorteen ama xitaa Ajay Devgn oo mashruuca Maidaan hogaamiye ka ah sidoo kalena RRR door muhiim ah ku leh inay tixgaliyaan filimkiisa oo taariikhdan muhiimka ah hor doortay.

Sidoo kale Boney Kapoor wuxuu sheegay in Ajay Devgn isla hadleen dhawaan kuna soo xiray filim sameeye SS Rajamouli si meel iskula dhigaan cidda loo dhaafayo 13-ka October balse Boney haatan wuxuu xaqiijiyay in Rajamouli iyo kooxdiisa RRR go’aan u gaar ah qaateen wax tallo ahna aysan wadaagin wuxuuna midaas ku tilmaamo aqlaaq daraddii ugu weyneed uu fanka Hindiya ku arkay madaama kooxda RRR tixgalin waayeen Ajay Devgn oo filimka Maidaan hogaamiye ka ah. Balse Devgn arinkan ma uusan ka hadlin waxaana sugi doonaa waxa uu ka dhihi doono isku dhaca labadiisa filim.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here