Federico Chiesa ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa Liverpool heshiis 60 milyan ginni ah si uu ugu saxiixo Juventus .

Ku guuleystaha Euro 2020 ayaa ku jira labo sano oo amaah ah Juve oo uu kaga yimid Fiorentina , iyadoo Old Lady ay qarka u saaran tahay inay si joogto ah u hesho adeegiisa xagaaga soo aadan.

Chiesa ayaa xiiso badan ka helay kooxo ka baxsan Italy maalmihii uu la joogay Fiorentina, Liverpool ayaana loo malaynayay inay heshiis la gaartay Viola ka hor inta uusan weeraryahanku dooran Turin.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo la hadlayay RTV38 , wariye Niccolo Ceccarini ayaa yiri: “Fiorentina waxa ay Liverpool heshiis kula gashay 70 milyan oo Yuuro (£60m), laakiin wada xaajoodku ma dhicin sababtoo ah wiilka oo doonaya inuu aado Juventus.”

Chiesa ayaa tan iyo markii la diiwaan galiyay sameeyay 17 gool iyo 13 caawin 59 kulan oo uu u saftay Old Lady, oo ay ku jiraan saddex gool iyo saddex caawin 16 kulan oo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan