FARMAAJO oo sanadkan ka qeyb galaya shirka guud ee golaha ammaanka ee QM

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimada ONline) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaciyey in sanadkan markii ugu horreysay uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ka qeyb galayo shirka guud ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Jamaal oo ka warbixinayey shir ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wakiilada beesha caalamka ku yeesheen Baydhabo ayaa xaqiijiyey safarka Madaxweynaha magaalada New York.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aanan shirkaasi ka qeyb galin, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, sababo la xariira dhalashadii Mareykanka ee uu heystay.

Shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan 2019-ka uu Madaxweynuhu dib isaga celiyay dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka.

Ugu dameyn wasiirka qorsheynta ayaa xusay inay dowladdu u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo beesha caalamka, kaas oo uu tilmaamay inuu qabsoomi doono bisha soo socota .

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Dalkaan.com
Xafiiska Muqdisho
admin@dalkaan.com

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Source: dalkaan

Sports News
WARARKII