Laga soo billaabo 12kii April 2021, markii uu baarlamaanka Soomaaliya go’aamiyay in muddo laba sano ah lagu kordhiyo muddo xileedka madaxweynaha, waxaa taagnaa xiisad ka dhan ah arrintaas oo ugu dambeyn soo gaartay halka uu maanta dalka taagan yahay. Waxaa laga baqayaa dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca caasimadda, kadibna ku faafa gobollada kale ee dalka.

Billowgii dhacdadaan gudaha iyo dibaddaba waxaa looga arkayay cadaadis siyaasadeed oo ay kooxda madaxweynaha saarayaan mucaaradka gaar ahaan Puntland iyo Jubaland si ay uga tanaasulaan qaar kamid ah qodobada ay miiska soo saareen wadahadalka balse, dhacdooyin dhowr ah oo is xig xigay waxa ay muujinayaan natiijo taas ka duwan oo miiska soo saartay su’aasha ah madaxweyne Farmaajo ma leeyahay qorshe aan ahayn muddo kororsi haddii uu socon waayo? Mise waa halka xulasho ee uu heysto, haddii ay surtageliweysana uu dalku ka dhacayo haadaan laga yaabo in ay isaga galaafato?

Advertisement

Dagaalka Beesha Caalamka

Dhowr qoraal oo is daba joog ahaa oo uu soo saaray madaxweynaha xilligiisu dhamaaday waxa uu ku handaday beesha caalamka, qoraalladan oo dhowr nuuc ahaa dhowr hay’adood oo dowladeedna la dhex marsiiyay waxa ay muujinayeen colaadin iyo awood sheegasho.

Xafiiska Farmaajo oo abaabulka ugu badan ee ololahan sameynayay ayaa farriimo toos ah u dirayay beesha caalamka isaga adeegsanaya -ka agaasimaha warfaafinta Villa Somalia, Cabdirashiid Xaashi Duqa, sidoo kale qoraallo loo kala diray ururrada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, dowlado iyo hay’ado oo lagu diyaariyay Villa Soomaaliya ayaa lagu dirayay magaca wasaaradda arrimaha dibadda, isla markaana hoos looga dusinayay warbaahinta.

Muddada howshaan socotay waxay dowladda Soomaaliya ka hortimid dhammaan soo jeedinnadii dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo ugu dambeyn midowga Afrika oo amniga dowladda Soomaaliya iyo madaxdaba gacanta ku haya. Waxaa intaa dheer in eedeymo xooggan oo aan caddeyn loo heynin loo jeediyay dalalka deriska ah sida Jabuuti iyo Kenya.

Ololahaan oo qeyb ahaan guuleystay waxa uu soo afjaray qorshahii beesha caalamka ee ahaa in in cadaadis nabdoon looga jibba keeno madax adaygga Farmaajo, waxa uuna xubnaha beesha caalamka gaarsiiyay quus sababtay in ay ka fikiraan “Gacan qabasho muuqata”, taas oo cawaaqib waawey oo u baahan in aad looga fiirsado ay ka dhalan karto.

Abaabulka gudaha

Muddada ay beesha caalamku ka fiirsaneyso tallaabo adag oo Farmaajo gacanta looga qabto ayay kooxda madaxweynaha xilligiisu dhamaaday go’aansadeen in hubiyaan awooddooda iyo taageeradooda gudaha.

Madaxweynaha ayaa kulamo la yeeshay odayaal dhaqan, hoggaamiye kooxeedyo hore iyo dad uu aaminsan yahay in ay saameyn ku leeyihiin bulshada Muqdisho, arrinkaan ayaa abuulkeeda waxaa loo xil saaray maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta.

Kulamadaan qabiilka iyo baahinta xooggan ee wasaaradda warfaafintu u sameysay waxaa ka dhashay “Hadallo Nacayb” ku sameysan oo abuuray xiisad cusub.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Benaadir Cali Yare, Hoggaamiye kooxeed hore Cabdi Waal, Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo siyaasiin kale oo dadka reer Muqdisho ku xusuustaan waxyeellada ay ciidamadii Ethiopia u geysteen Muqdisho 2006-2009 ayaa si cad u weerar qaar kamid ah Musharixiinta oo taageere xoogga ku leh Muqdisho, qaarkood waxay ku baaqeen dagaal. Arrinkaan ayaa abuuray xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan.

Soo afjaridda Mucaaradka Muqdisho ku sugan

Ilo xilkas ah ayaa xaqiijiyay in Musharrixiinta kala ah; Xasan Cali Keyre, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulqaadir Cosoble ay heleen xogta weerar la qorsheeyay 16kii bishan April, taas oo la doonayay in lagu soo xiro ama la dilo haddii ay dagaallamanaan.

Musharixiintan oo dhammaan ka soo jeeda Muqdisho ayaa go’aansaday in degaan goobo ay ammaankooda ku hubinayaan oo aay taageerayaashooda ku badan yihiin, waana arrinka adkeeyay in si sahlan ay ciidamada dowladdu ku soo afjaraan mucaaradka.

Xasan Sheekh ayaa degay Xaafadda Marinaaya oo ku taalla duleedka Bari ee Muqdisho oo ay reerkiisu u badan yihiin, isla markaana dhabarka ku heysa deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Shariif ayaa isna degan Xaafadda Siisii ee degmada Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ku taalla Waqooyi Bari Muqdisho, waa halkii uu ka soo billaabay halgankii maxkamadaha Islaamiga  ah 2005. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna u guuray degmada Hodon oo ay taageerayaashiisu ku badan yihiin, halka Xasan Cali Khayre uu qorsheeyay in uu u guuro degmada Howlwadaag oo aad ugu dhow madaxtooyada.

Tallaabadaan ay musharrxiintu qaadeen ayaa ahayd mid ay ugu fogaanayeen weerar kaga yimaado Farmaajo, balse taa meesha kama saarin in la weeraro.

Maxaa xiga?

Dhacdooyinkaan oo dhammaan la aaminsan yahay in ay abauulnaayeen ayaa muujinaya in qorshaha kaliya ee madaxweyne Farmaajo yahay in uu guuleysto muddo laba sano ahna awood ku joogo, taas oo meesha ka saari karta rajada Soomaalida iyo beesha caalamka ee ah in wadahadalladii doorshada dib loogu laabto.

Labada koox ee siyaasadda Soomaaliya isku heysa oo horay ugu muuqday koox isku dayeysa soo afjaridda cid walba oo ka hor timaada waa Farmaajee iyo koox isku dayeysa in ay cadaadis saarto madaxweynaha xilligiisa dhamaaday si uu doorsho u oggolaado ayaa hadda is wajahaya iyada oo labada dhinacba isku dayayaan in mid walba uu midka kale soo afjaro.

Walwalka ah in xaaladdu faraha ka baxdo ka hor inta aysan beesha caalamku go’aamo adag gaarin ayaa sii kordhaya maadaama ay kooxda madaxweynaha xilligiisu dhamaaday isku dayayso soo afjaridda mucaaradka ka hor go’aan kasta oo laga filan karo beesha caalamka, dhanka kale mucaaradka oo go’aansaday in ay is difaacaan ayaan la ogeyn sida ay u xakameyn karaan taagarayaashooda oo ay suurtagal tahay in ay wiiqaan ciidanka daacadda u ah Farmaajo.

Xigasho: Mustaqbal Radio

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here