Minneapolis (Dalkaan.com) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ku geeriyootay fanaanadii caanka aheyd Luul Jaylaani, taasoo maalmihii dambe xanuunsaneyd.

Geerida Luul Jaylaani ayaa waxaa u warbaahinta u xaqiijisay Sahra Cumar Dhuule oo iyana ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadanka Mareykanka.

Advertisement

AUN Luul ayaa ka mid aheyd fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed, waxaana ay ka tirsanaan jirtay hobolladii Qaranka ee Waabari.

Sidoo kale waxa ay caan ku aheyd qaadida fanka Banaadiriga ah, iyada oo ku heesi jirtay lahjadda Xamariga.

Geerida fanaanada waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah iyo guud ahaan bahda fanka Soomaaliyeed.

Waa fanaanadii labaad ee isla toddobaadkan geeriyoota, waxaana dhowaan magaalada London ku geeriyootay Allaha u naxariistee fanaanadii weyned Xareedo Ismaaciil Duniya.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here