Labada atariisho ee Turkiga u dhashay Fahriye Evcen iyo Hande Ercel ayaa si kala gooni ah loogu doortay atariishooyinka muslimiinta kuwooda ugu quruxda badan caalamka.

Majalad kasoo baxda Hindiya ayaa u dooratay Fahriye atariishada ugu quruxda badan caalamka markii laga hadlaayo dumarka muslimiinta waxayna aheyd atariishada kaliya ee Turkey kasoo jeedo misna cod bixinta kasoo muuqatay ayadoona ku guuleysatay.

Dhanka kale majalad kale oo kasoo baxdo Mareykanka ayaa Hande Ercel u dooratay booskaas ayadoona kahor martay atariishooyin badan oo muslim ah qeybna ka ahaa tartanka.

Hadaba akhristow makula tahay iney u qalmaan labadaan atariisho darajadaas? sidoo kalana midee ayaa labadooda kula qurux badan?

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here