Wariyaha reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in kooxo badan ay horay ula soo xiriireen Manchester United si ay ugala hadlaan heshiis amaah ah bisha Janaayo ee Amad Diallo .
19-sano jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu amaah uga tagayo Old Trafford xagaagii hore, laakiin dhaawac ka soo gaaray bowdada ayaa u diiday weeraryahanka inuu ku baxo muddo gaaban.
Diallo ayaa kaliya hal kulan u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan, isagoo ciyaaray 68 daqiiqo kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Young Boys ee Champions League usbuucii hore.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Sida laga soo xigtay Romano, ‘kooxo badan’ ayaa la xiriiray Man United si ay u diwaan galiyaan xiisahooda, iyadoo kooxda reer Holland ee Feyenoord ay ka mid tahay kooxaha u tartamaya saxiixiisa.
Diallo ayaa hal gool dhaliyay sideed kulan oo uu u saftay Red Devils qeybtii labaad ee ololaha 202021, isagoo si rasmi ah uga yimid Atalanta BC bishii Janaayo.
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan