Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay xaafado ka mid ah Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya, kuwaasi oo maraayay wadada Cabdi Qaasim.

Qaraxa ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir, waxaana la sheegayaa inuu dhaliyay khasaare kala duwan.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo ogeyn waxyeelada saxda ah ee qaraxaasi uu sababay, ayaa haddana wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan ciidankii saarnaa gaariga inay wax ku noqdeen.

Wadada Cabdi Qaasim ee isku xirta tarabuunka iyo KM4 ayaa waxa ay noqotay waddada ugu halista badan ee Magaalada Muqdisho, maadaama Qaraxyo halkaasi ay ka dhacaan oo wadada lagu aaso.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here