Facebook

Advertisement

Kismaayo (Dalkaan.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in Dr. Yuusuf Axmed (Yuusuf Yare) lagu dilay aaga lagu magacaabo Fiyo Af-Madoow ee magaaladaas.

Dhaqtarka oo si weyn looga yaqaanay magaalada Kismaayo ayaa waxay xalay dilay kooxo ku hubeysnaa bastoolado, sida ay Dalkaan.com u sheegen dad goobjoog ah.

Dableyda fulisay dilka ayaa iskaga baxsaday goobta ay ku dileen Dr. Yuusuf Yare, halkaasi oo ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska oo ka bilaabay howl-galo lagu baadi-goobayo dableydaas.

Dr. Yuusuf Axmed ayaa kamid ahaa dhaqaatiirta ka howl-gasha magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, isla markaana magac weyn ku lahaa bulshada magaaladaasi.

Waxa bilooyinkii u dambeeyay magaalada Kismaayo kusoo badaneyay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shaqsiyaadka magaca leh, iyada oo kal hore sidan oo kale ay dabley hubeysan magaalada ku dileen maamulihii xarunta shirkadda Amal ee Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Maamulka Jubbaland ayaa inta badan balan-qaada inay cadaalad hor keeni doonaan kooxaha dilalka ka fuliya Kismaayo, inkasta oo aysan jirin ilaa hadda dad lala xiriirinayo dilalkii u dambeeyay oo gacanta lagu soo dhigay.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here