Everton ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaatay inay heshiis amaah ah kula soo wareegto Donny van de Beek oo ay amaah kaga soo qaadatay Manchester United .

Xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaan weli hal kulan oo Premier League ah ugu soo bilaaban Red Devils xilli ciyaareedkan, waxaana la filayaa inuu meel kale u wareego ka hor inta uusan suuqu January xirmin

Man United ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegtay Van de Beek inuu xor u yahay inuu ka tago 36 saacadood ee soo socda, iyadoo labada kooxood ee Everton iyo Crystal Palace lagu xamanayo inay xiiseynayaan heshiis ku meel gaar ah.

Haddaba The Guardian-ka ayaa sheegaysa in Everton ay heshiis la gaartay Man United si ay amaah ugula soo wareegto Van de Beek, laakiin 24-sano jirkaan ayaan weli go’aansanin halka uu doorbidayo.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in tababaraha cusub ee Toffees Frank Lampard uu Van de Beek u calaamadiyay bartilmaameedka mudnaanta leh, kooxda Merseyside-na waxay iska dhaafi doontaa dhammaan mushaharka khadka dhexe inta uu ku sugan yahay Goodison Park.

Van de Beek ayaa hal gool dhaliyay 14 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan funaanada Man United laakiin waxa uu ciyaaray 70 daqiiqo oo kaliya horyaalka premier League.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan